|

Cabdilaahi Yuusuf Iyo Xusuus Qorkiisa Isku Dhicii Isaga Iyo Itoobiya & Ka Faa’iidaysigii Ururkii SNM

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):-Buuga Halgan iyo Hagar daamo oo uu Qoray Madaxweynihii Geeriyooday ee Somalia iyo Hogaamiyihii Jabhadii SSDF C.laahi Yuusuf Axmed ayaa ka Sheekeeyay Khilaafyo Culus oo Ururkiisii Iyo SNM soo Kala Dhex maray iyo Sidii ay isugu dhaceen Isaga iyo Taliskii Itoobiya.

cabdilaahi-yuusufMidda koowaad waxay ku saabsanayd wada haddalada ay kula jirto Siyaad Barre oo ay ku dooneyso in ay la gaadho heshiis lidi ku ah danaha Soomaaliya, Itoobiya waxay Siyaad barre kula gorgortamaysay SSDF oo noqotay falaadh wadnaha kaga taagan, Itoobiya waxay ku rajo waynayd in Siyaad Barre wax walba u saxiixo, si uu mar uun uga takhaluso SSDF. Tan labaad waxay ahayd dhabar ka dhirbaaxa iyo dhiiri galinta ay Itoobiya ku koolkoolinayso SNM si ay u noqoto jabhad madax banana oo u u taagan gooni u goosadka qobalada Waqooyi Galbeed, tan saddexdaad waxay la xidhiidhay fara gelin hoose oo itoobiya ku kala qaybinaysay madaxda jabhadda si ay uga dhex kaasnadaan dad danahooda u fuliya oo ay adeegsadaan.

Muddo hal sano ku dhaw wada shaqayntii u dhaxaysay jabhadda iyo itoobiya mugdi bay ku jirtay, oo shakigii soo kala dhex galay wuxuu gaadhay quus aan isu soo noqod lahayn, 1984 wefti aan anuu hogaaminayay ayaa jabhadda uga qayb galay shir lagu qabtay waddanka Liibiya oo lagaga hadlayay sidii jabhadda xoreynta Falastiin PLO loogu ururun lahaa ciidamo kala qayb qaata xoreeya Falastiin, dhamaan wufuudii shirkaas ka soo qayb galayysay waxay halkaasi ka soo saareen go’aan midaysan oo boqolkiiba boqol lagu ogalaaday ajandihii la soo hor dhigay, go;aamadii shirka laga soo saaray aniga ayaa u saxiixay jabhaddayda SSDF, wax tafaasiil ahse kamaan bxin halka aan ciidan ka keenayo.

SSDF IYO DHABAR JABEENTII ITOOBIYA

Isla ayaamihiiba waxaa soo baxday dacaayad been abuur ah oo Itoobiya soo maleegtay, taas oo la igu eedaynayo in ciidanka jabhadda aan itoobiya ka rarayo, oo aan u wareejinayo jasiiradda Suqadara ee koonfurta Yemen. Xaqiiqo ahaaan waxba kama jirin been abuurkaas, markii aan Adiss Ababa ku soo noqday waxaan la kulmay been abuurkii Itoobiya iga faafisay oo sheeko maalmeed noqday, been abuurkaasi wuxuuba saamayn ku yeeshay rag ka mid ahaa madaxdii jabhadda oo si fiican looga dareemayay hab dhaqankooda. Waxaa durbadiiba ii cadaatay in itoobiya ku guulaysatay faragalintii ay inta muddada ah kula dhex jitay jabhadda, oo ay gacanta ku dhigtay xubno badan oo madaxdeeda ka mid ah, itoobiya kolkii ay hubsay in madax badan oo jabhadda ka mid ahaa ay gacantooda soo galeen ayay ku dhaqaaqday in ay iyaga u adeegsato dhabar jebintii ay inta mudada ah la doonaysay jabhadda SSDF. Waxa ay ku amartay ragii ay daneheeda gaarka ah ku fushanaysay oo ay jabhadda ka kasbatay in ay u soo diyaariyaan warbixin ay ku rumaynayaan been abuurkii ay hore u sii maleegtay kuna cadaynayaan in Cabdilaahi Yuusuf doonayo in u jabhadda ka rarayo dhul weynaha itoobiya. Isla markaana ay kaga codsanayaan in ay Itoobiya si deg deg ah u soo dhex gasho, talaabada ku haboona ka qaado si aan loo siin fursad Cabdilaahi Yuusuf uu ciidamada jabhadda uga saaro Itoobiya.

Itoobiya iyo madaxdii jabhadda ee la shaqaynasay waxay au arkayeen in talaabada ay doonayaan in ay igaga takhalusaan ay si toos ah ugu meel marayso, isla markaana xisaabta kumay darsan in derejada ay doonaan ha lahaadeene hawl wadeenada iyo ciidanka jabhadduna aanay waxba u arkayn ragas oo aanay dheg jalaq u siinayn go’aan ka ay iy Itoobiya u soo yeedhiso, isla xiliyada la maleegayay shirqooladaas waxaa soo shaac baxay warar lagu jah wareeray oo sheegayay in khilaaf ba’ani uu ka dhex jiro madaxdii jabhadda, wararkaas dadka lagu jah wareeriyay waxaa bar bar socday taloobooyin guracan oo itoobiya ay jabhadda ku curyaaminaysay.

Wax kasta oo ay Itoobiya samaynasay waxay ujeedadeedu ahayd sidii magac iyo jiritaan ahaanba la iiga takhalusi lahaa, qof ahaan lama yaabani maxaa yeelay hore shir qooladan oo kale waa ii soo mareen kuwo kan ka daran oo la igu doonayay in la igu dilo, Ilaah baase iga badbaadiyay, halka dabadhiliflayaashii ka qayb qaatay dhabar jabinta SSDF aanay waxba u qorshaysnayn oo ay doonayeen oo keli 0ah in ay Cabdilaahi Yuusuf ka takhalusaan, Itoobiyase mar hore ayay go’aansatay in ay SNM u adeeegsato danaheeda, SNM isuma taagin qadiyad ay qaranka ku badbaadinayso, sababaha curashadeeda qayb libaax waxaa ka qaatay dareen ganacsato isu aragtay in xukuumaddu dhaawacday dano dhaqaale oo ay dalka ku haystaan, ka dib markii Siyaad Barre xayiray soo dejinta badeecadaha ay ka mid ahaayeen Franca Valuta, Qaadka, IWM. Kuwaaas oo reer waqooyi keli keenid ku haysteen, is badalkii dhaqaale ee dalka soo foodsaaray.

1980aadki ka dib markii midawgii Soofiyati dalka ka baxay, halkii uu baneeyayna uu galbeedku buuxiyay, ayaa sababay in la joojiyo badeecadaha kor ku xusan, Raga ama kooxihii dano gaar ahi kaga lumen habkii dhaqaale ee uu galbeedku doonayay in ay dalka ka fuliyaan ayaa ku guulaystay in danihii dhaqaal ee ka lumay ay siyaasadeeyeen oo u muujiyeen in xayiraadihii badeecadahaasi lagula dagaalamay qabiilka Isaaq, waxa la odhan karaa in arimaha noocaas ah iyo gocoshooyinka yar yare e siyaasiyiin reer Waqooyi ah laga maqli jirey ay dhaliyeen baahi urur leh dabeecad qabiil iyo mid goboleedba oo ay danahooda ku difaacdaan.

‘’Ilaa xad waxaa la odhan karaa in ay SNM sidaas ku dhalatay. Sidaas awgeed SNM diyaar bay u ahayd in ay heshiis kasta la gasho si ay ku gaadho himiladeedii gaabnayd oo ahayd in ay goosato gobolada waqooyi galbeed dibna gacanta ugu soo celiso ganacsatada reer waqooyi ee danihii yaraayey xukuumadda siyaad barre ka waayeen kadib.

SNM waxay iyada oo ka duulaysa ujeedada qarandumiska ah si toosa isugu dhiibtay Itoobiya, isla markaana la gashay heshiis qarsoonaa oo ku salaysnaa kala goynta Soomaaliya, iyo la dagaalanka SSDF iyo gudoomiyaheedaba oo ay u arkayeen caqabad hor taagan heshiiskooda meel marintiisa, waxaa xusid mudan in heshiiskaas laga qariyay muwaadiniintii ka tirsanayd SNM oo ay ku talax tageen koox yar oo Siilaanyo hogaaminayay dhaqan gelintiisase si dadban loogu adeegsaday SNM.

Hogaanka sidoonka SSDF wuxuu gacantta ku dhigey qorshe sir ah oo ay ka danbeeyeen Itoobiya iyo SNM, kaas oo ku salaysnaa sidii la igu dili lahaa, dabadeed wuxuu bilaabay in uu talaabo talaabo ula socdo, hadba heerka ay marayso fulinta qorshahaasi, sidaasi oo kale waxaanu helnay 13 waraaqadood oo lagu amrayay in aniga iyo madax kale oo jabhadda SSDF ka tirsanayd lana laayo.

Markii mu’aamaraadkaas lidka nagu ahi ay gaadheen heer aan loo dulqaadan Karin ayaa Mingistu hor dhigay waraaqihii xambaarsanaa go’aamada SNM ku gaadhay in lana laayo, waxaan xasuusiyey in labada jabhadoodba ay magangalyo ku joogaan Itoobiya, sidaa awgeedna xukuumdiisa ka codsanayo hadii aanay iyadu lug ku lahayn mu’aamaradahaas in ay deg deg wax uga qabato, waxa kale oo aan u sheegay in dulqaadkii naga dhamaaday oo hadii aan deg deg arintaas wax looga qaban ay SSDF khasab ku noqon doonto in ay is difaacdo, Mingistu wuxuu iigu jawaabay in ayna Itoobiya ka shaqaynayn isku dirida jabhadaha iyo in aanay marnaba dhex galayn muran iyaga ka dhexeeya, waxa kale oo uu igu yidhi ‘’waraaqaha aad iikeentay waxaan u gudbinayaa xafiisyada ku shaqada leh si ay baadhitaan ugu sameeyaan dabadeedna, natiijada ka soo baxday ay kugu soo war galin doonaan haddase iska tag oo war iga sug’’ War celintii Mengistu waxay noqotay dhacdooyinkan soo socda, ilaaladaydii Diridhaba joogtay baa waxaa loo diiday in ay tagaan xarumihii ciidankayga ee Diridhabe ka baxsanaa.

Sirdoonka Itoobiya iyo madaxdii SSDF gacan saarka la lahaa waxay iska dhaadhiciyeen in socdaalka ragu la xidhiidhay qorsha uu Cabdilaahi Yuusuf ciidanka kaga saarayo Itoobiya, afar ka mid ah ilaaladayda baa iyaga oo ku sii jeeda gurigii uu deganaa ayaa koox ka tirsan ciidanka Itoobiya oo saraakili SSDF ahi hagayso dhexda ku joojiyeen oo amar ku siiyeen in ay hubkooda u dhiibaan, iyaguna wey diideen, maxaa yeelay kuwa amraya ayaa iyaga laftoodu hubaysnaa, markii woxogaa hadalkii la isla dhaafay, Itoobiyaanlii rasaas ayay ooda kaga qaadeen ilaaladiina waxay isku dayeen in ay is difaacaan xoog ayaase lagu muquuniyay.

Goobtaas waxaa lagu diley saddex ka mid ah ilaaladii, midna waa lagu dhaawacay, kii la dhaawacry horey ayay u qaateen, ka dibna wey dileen, ilaaladii hal nin ayay Itoobiyaanka ka dhaawaceen, isla subaxdaas ayaa aniga iyo Dr Cabdilaahi Maxamed Xasan (Faash) nalooga yeedhay xarunta nabad sugida Itoobiya, saraakiishii aanu halkaas ugu tagnay waxay nagu wargaliyeen in wasiirka amingu na doonayo oo ay xafiiskiisa noogu gaynayaan, waayahay baan ugu jawaabay, meeshii nala geeyay waxaanu ugu tagnay wasiirka kaaliyeyaashiisii ugu sareeyay iyo dhawr janan oo wasaarada Gaashaandhoga ka socdey, soo dhaweyn iyo salaam ka dib ragiii meesha nagu sugayay waxay noo sheegeen wiixii naloogu yeedhay, taas oo ahayd in aan hoganaka jabhadda ku wareejiyo Maxamed Faarax Jimaale oo markaas jabhadda u qaabilasanaa waaxda arrimaha gudaha.

Wasiirka iyo jananadii la fadhiyey waxaan ugu jawaabay ‘’Xil iyo ciidan midna wareejin maayo’’ waan gartay in ay doonayeen in aniga si qorshaysan la iiga takhaluso, ka takhaluskayguna dhaco marka aan xilka wareejiyo, oo aan soo baxo nin aan xil hayn oo caadi ah. Kadibna ka takhaluskayga (Dil ama Xabis) dunida loogu muujiyo talaabo caadi ah oo laga qaaday qof dembi galay, dood dheer ka dib markii aanu isla garan weyney taladii ay soo jeediyeen baa wasiirku amar ku siiyey jananadii gaashaandhiga la socdey in xarunta gaashaandhiga nala geeyo, si ay madaxda halkaas joogtaa isugu daydo in ay igu qanciyaan in aan taladooda raaco oo aan xilka wareejiyo, sidii bay yeeleen oo xaruntii gaashaandigga baa nala geeyay, waxaa ila socday wiil ilaaladayda ka tirsanaa oo baastoolad sitey, halkaas waxaaanu shir kula galnay dhawr janan, kuwaas oo xaraf xaraf iigu soo mariyay taladii aanu isku mari weyney aniga iyo wasaaradii amnigu.

Comments are closed