|

Cabdilaahi Cukuse oo ku xanuusanaya jeelka Madheera

Wasiirkii hore ee warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa xalay ku xanuusaday gudaha jeelka Madheera oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku xidhnaa.

Cukuse ayaa la sheegay in naqasku qabtay kadibna uu xalay baaxaa-dagayay iyadoo aanu jirin wax gurmad ah oo loo fidiyay, sida Qurbejoog ay u sheegeen qareenada u doodayay.

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), wuxuu hore u ahaa saxafi iyo muhaajid Somaliland usoo halgamay, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland. Imika wuxuu ka mid yahay siyaasiyiin u xidhan Muuse Biixi kadib mudaharaad ay dhigeen mucaaradka Somaliland.

Comments are closed