Cabdilaahi Abokor Oo Si Cad u Shaaciyey Xaqiiqada Madaxtooyada Ka Jirta, Si Dadbanna u sheegay In Cid Aan Madaxweynaha Ahayni ay Xilka Ka Qaadday
Hargeysa:May,07,2014(SDN/QJ)-Wasiir-ku-xigeekii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor, ayaa Bulshada daaha uga qaaday Jiritaanka Hadallo inta badan xan ah balse xaqiiqdoodu ka jirto Madaxtooyada DHexdeede.
Cabdilaahi Abokor ooh ore uga mid ahaan jirey Masuuliyiinta ugu awodda badan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa xil-ka-qaadistiisii ku sifeeyey mid ay ka dambaysay Marwada koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina waris sheikh Maxmuud Jirde oo ay isku beel ka soo jeedaan.
Cabdilaahi Abokor ayaa Madashii uu xilka ku wareejinayey kaga dhawaajiyey inuu xilka ku waayey khilaaf la xidhiidhay Arrimaha Golaha dhexe ee Xisbiga oo ay is afgarasho la’aani ka dhalatay Nidaamkii loo soo xuli lahaa, taas sida muuqata ay isku afgaran waayeen isaga iyo marwadu nidaamka loo soo xulayo Ergada Beesha uga qaybgelaysa Shirweynaha xisbiga Kulmiye, “Sabab aan Xilkaygii u gudan kari waayey may jirin, laakiin waxa jirey khilaaf ka yimi xagga Golaha dhexe ee xisbiga kulmiye Kaas oo aan Aamin sanahay inuu Ilaa iyo Maanta Taagan yahay.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Abokor oo ka hadlaya sababta ka dambaysa Xil-ka qaadistiisa.
Waxa uu Cabdilaahi Abokor si dadba u sheegay farogelin shaqadiisa lagu farogeliyey oo uu u waayey madax bannaanidii uu xaqa u lahaa, waxana uu sheegay inay taasi keenayso cawaaqib xumo dambe oo liidata, waxana uu yidhi,
“ dalkani haddiii la doonayo inuu Deggenaansho siyaasadeed galo, waxa la loo baahan yahay in dadku si xor ah isku doortaan, si xor ahna isku maamulaan, Haddii aan taas laga waantoobin-na waxaynu nahay qabiilo isku tegay Haddii nin kastaba lagu ixtiraami waayo shaqadiisa iyo reerkiisa waxay noqonaysaa in hadhow la kala furfurmo sida basasha,”
Cabdilaahi Abokor waxa uu xukuumaddii uu ka tirsanaa u soo jeediyey inay ka fogaadaan dafiraadda Muwaadiniin Xisbiga Karaamo ku lahaa oo uu sheegay in laga doorbiday kuwo lacago sita, waxana uu yidhi,
“waxan halkan uga soo jeedinayaa xukuumadaan ka tirsanaa in la dhawro xuquuqda muwaadinka oo muwaadinka xurmada leh ee xisbiga u soo halgamay inaan laga doorbidin nin maanta shilimaan la siisan karo,Si aynu hadhow mustqablkeena soo socda u helno nidaam cad oo daahfuran oo qofkastaaba xaq leeyahay oo aanay inaga noqon sida waddamada Afrikaanka in Qofku marka Golaha dhexe la keensado la iibsan karo waxan jecelahay inay qodobkaas dawladdu ka waantowdo oo ay faraha ka qaaddo.”
Hadalkan ka soo yeedhay wasiir-ku-xigeenkii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka mid ahaan jirey Masuuliyiintii ugu awoodda badnayd xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa laga dhadhansan karaa khilaaf isaga iyo madaxtooyada ku dhex maray habkii loo soo xulayey xubnihii Golaha dhexe Ee Beeshiisa, taas oo keentay in Aakhirkii uu waayo xilkii uu xukuumadda u hayey.
Cabdilaahi Abokor ayaa sidoo kale muujiyey inuu ka xun yahay farogelinta lagu sameeyey xilkiisa, taas oo uu muujiyey inay qadaf iyo wax aan xaq loogu lahayn, iyadoo muujinaysa sida ay madaxtooyadu rabitaankeeda ugu cadaadiso masuuliyiinta xukuumadda xilka u haya.
Cabdilaahi Abokor ayaa xilka hayey muddo ku siman laba sano, waxana uu xilka qabsaday Horraantii Bishii April ee sanadkii 2012-kii, ilaa iyo Haatana waxa uu Bulshada ugu calaamadsanaa nin awood badan ku dhex leh xukuumadda uu ka midka yahay.
Sida uu muujiyey wasiirku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Abokor, waxa jira Awoodo kale oo ka baxsan kuwa madaxweynaha, kuwaas oo inta badan tallaabo ka qaadi kara cid kasta oo ka hortimaadda siyaasadooda, waana sida haatan ku dhacday Cabdilaahi abokor.
Waxa kale oo uu wasiir-ku-xigeenkani shaaca ka qaaday in is fahan waagaas uu isagu xilkiisii ku waayey, iyadoo maadaama oo uu muran Golaha dhexe ee Xisbiga ah arintiisu salka ku hayso aanu jirin khilaaf isaga iyo madaxweynaha u dhexeeyaa, maadaama oo aanu madaxweyne Siilaanyo inta baddan arimaha Xisbiga iyo Golihiisa dhexe wax garogelin ah ku lahayn.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com