CabdiCasiis Maxamed Samaale Oo Dalka ka Dhoofay Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Oo Sii Sagootiya
Hargeysa —Wasiirkii Hore ee Wasaarada maaliyada somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Oo Kamida garabka isbahaysiga Kulmiye ayaa maanta dalka dibadiisa u dhoofay, Isaga oona U dhoofay Dalka Itoobiya gaar ahaana Caasimada Addis Ababa.
Waxaana Markii uu Ka duulaya madaarka caasimada hargeysa ee Cigaal Igal airport halkaasi kusii sagootiyay Xildhibaan Waabeeyo oo kamida Xildhibaanada Golaha wakiilada somaliland ahna gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga kulmiye Iyo Masuuliyiin kale.
Waxaana barta uu ku leeyahay facebook soo dhigay xildhibaanka waabeeyo.
Ilaa Hada lama garanayo ujeedada dhabta ah ee socdaalka Cabdicasiis maxamed Samaale ku tegay waddanka Itoobiya, balse waxa la aamin san yahay in ay la xidhiidho arrimo siyaasadeed, iyada oo ay sidoo kalena noqon karto hawlo caafimaad oo uu u qaaday cid ehelkiisa ah, balse wax war ah oo faah faahsan kamaanaan helin socdaalka sheekha.
Cabdicasiis Maxamed ayaa muddooyinkii u dambeeyey la hadal hayey in uu ka baxay siyaasiyiinta isbahaysta, ka dib kulamo ay ku yeesheen siyaasiyiintaasi hargeysa oo ay ku kala aragti duwanaadeen in ay ka baxaan xisbiga Kulmiye oo ay qaar ka mid ah siyaasiyiintaasi soo jeediyeen in ay ka baxaan oo ay axsaabta kale ee mucaaridka ah ku biixaan.
ramaas