Cabdi Fataax Al-Ziizi Oo Wacad Ku Maray Inuu Dalka Masar Ka Sifayn Doono Ikhwaanka,Hadii Madaxweyne Noqdo
06,May,2014(SDN/QJ)-Taliyihii hore ee militeriga Masar ee la filayo in uu ku guulaysta doorashada laga qaban doono dalkaas, ayaa sheegay in ururka Ikhwaanul Muslimiinka uusan sii jiri doonin haddii isaga loo doorto madaxweyne.
Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa sheegay in dadka reer Masar ay diideen ururka Ikhwaanul Muslimiinka.
Waxa warka dad badan oo Masaari ahi ay Guuxeen uu ka sheegay mar uu ka hadlayay TV-ga Qaran ee Dalka Masar wareysigii ugu horrey ee uu bixiyo tan iyo markii uu si rasmi ah isu soo sharaxay.
Al-Sisi, ayaa hoggaaminayay militeriga dalkaas markii xukunka laga tuurayay Maxamad Mursi bartamihii sanadkii hore.
Hal musharrax oo kaliye, ayaa la sheegayaa inuu doorashada kula tartamayo Al-Sisi, waxaana la filayaa inuu ka guulaysan doono,sida ay sheegayaan dadka u Dhuun Daloola Siyaasadda Masar.
Doorashada madaxweyne, ayaa dalkaas laga qaban doonaa muddo saddex toddobaad gudahood ah.
Al-Sisi, ayaa wasiirka difaaca u ahaa, Maxamed Mursi, madaxwaynihii Ikhwaanul Muslimiinka ka hor intii uusan xukunka ka tuurin.
SDN/QJ-Qaahira
contact@somalidiasporanews.com