|

Cabasho Biyo la’aaneed oo la soo deristay Shacabka Ku Dhaqan Xeebta Waqooyiga Hargeysa iyo Baaq Ay U Direen Xukumadda

Hargeysa 07.July 2015 (SDN/QJ):- Tulooyinka ku dhereran Xeebta Waqooyiga Hargeysa gaar ahaana Tulooyinka Cabdi geedi, Hulka, Hadeegta, Ceel lahelay, Lug-haya ayaa waxa ka soo yeedhaya shacabka ku dhaqan deegankaasi Qaylo dhaan ku saabsan Biyo La’aan iyo Adeegi caafimaadka oo ay ka Aradan yihiin.

Guddoomiyaha Tuulada Cabdi-geedi Cabdi Jamac Aadan ayaa faahfaahin ka Bixiyey Xaalada ay ku sugan yihiin shacabka ku dhaqan deegankaasi.

Waxaanu sheegay in xaalada deegankaasi ka jirta tahay mid qalafsan waxanu yidhi.“Xaalada Deeganka ku Teetsan Xeebta u dhexeysa Ceel-sheekh ilaa Lug-haya waxa ka jirta xaalad aad u xun oo isku jirta Biyo La’aan iyo Caafimadka oo ay ka aradan yihiin, runtii 10-kii Sanno ee u danbeyey dadka deegankaasi waxba looma qabban, xukumada wakhtigan jirtan waxba umay qabban, dadka deegankan ku dhaqan waxa ugu weyn ee ay ka cabanayaan waa Biyo la’aan waxaana jirta in Afartii Sannoba mar uu roobku dhulkan ka da’o, marka waxa meesha ka jirta Abaar kulul oo naafeysan dad iyo duunyo, Xukumadii Somaliland wali wax gurmad ah kama hayno”Ayuu yidhi

Guddoomiyaha Tuulada Cabdi-geedi Cabdi Jamac Aadan waxa uu Baaq u diray Xukumada Somaliland iyo Hay’ada ka hawlgala dalka. “waxaan Hay’adaha dadka caaawiya iyo Xukumada Somalilandba ugu baaqayaa in ay dadkaasi la soo gaadho mucaawimo degdeg ah si ay u badbaadan nafo badan oo u dhiman la’haa dhibtaasi meesha ka jirta, hore waxaad ogeydeen in dad baddani ugu dhinteen deegankaasi biyo la’aan, Ganacsada Somaliland waxan iyaga ka codsanayaa madama oo lagu jiro bishii Barakaysan ee Ramadaan in sakada ay bixinayaan ay dadka degankaasi ugu deeqan madama oo ay yihiin dadkoodii oo baahan”Ayuu yidhi

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed