Cabashadii iyo Qawadkii Saraakiisha Ciidanka ee Derajooyinka Oo Cirka Isku Sii Shareeraysa iyo Saraakiil Sarsare oo Markii Dheg jalaq loo Siin Waayey Go’aanno Halis ah Qaatay
Hargeysa:21-Aug-2013- (SDN) – Tan iyo intii Guddidii Derajo qaybinta Ciidamada Somaliland ay bilaabeen bixinta Derejooyinka Ciidanka waxa marba marka ka dii dambaysa sii kordhayey Cabashada ciidamada kala duwan ee dalku ka muujinayaan qaabka Guddidu wax u soo xuleen.
Iyadoo ay jiraan saraakiil sarsare oo Ciidan oo illaa iyo hadda u xidhxidhan saluug ay muujiyeen oo la xidhiidha inaanay helin wixii ay xaqa u lahaayeen, ayaa Hadda waxa la sheegay in sarkaal sare oo Ciidanka qaranka ka tirsani ku dhaqaaqay inuu Gebi ahaanba ka baxo Ciidamada Somaliland.
Sakariye Cilmi Ibraahim Oo Ahaa Taliyaha guutada Shanaad ee Xeradda kabista Magaaladda Hargeysa ayaa la sheegay in uu Guud ahaanba iskaga tegay shaqadii Ciidanka isagoo u jihaystay dhinaca Deegaanka Saylac oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Taliyahan oo ahaa shakhsi in badan la soo shaqeeyey ciidana Somaliland,ayaa muddo badan cabasho ka muujinayey Derajada loo qoondeeyey oo ahayd Laba alifle, waxana la sheegayaa in laga hoos qaadi waayey dacwado badan oo uu Guddidii iyo madaxda kale ee Somaliland ba u Gudbiyey.
Taliyaha oo ka dhursugayey Raacii dambe ee Ciidamada ka tirsanaa ee derajada loo kordhiyey ayaa markii uu iska waayey Go’aansaday inuu ka baxo ciidankii uu muddada dheerr la soo shaqaynayey.
Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa markii uu maqlay arrinka taliyahan aad uga murugooday, waxana ay amar ku bixiyeen in la raadiyo meesha uu joogo sarkaalkaasi, maadaama uu amar la’aan u dhaqaqaay, islamarkaana aanu hawshii uu qaranka u hayey wareejinin.
Wali waxa jira saraakiil badan oo cabsiyada ugu jirta cabashooyin la xidhiidha Dhinaca derajooyinka, wax garowshiiyo ahna kama ay helin ciddii ay cabashadooda u Gudbiyeen, iyadoo ay soo badanayaan cabashada ay qabaan saraakiisha Deegaan ahaan ka soo jeeda Salel oo sheeganaya in Deegaan ahaan si gaar ah hoos loogu dhigay.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com