|

Caasimadda Somlia Ee Muqdisho Oo Dhawaan Martigelin Doonta Shir Caalami ah

Muqdisho:Mar,06,2015(SDN/QJ)-Sida uu Safiirka Somalia u Fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika u sheegay warbaahinta, waxa Caasimadda Somalia ee Muqdisho dhawaan lagu qaban doonaa Shir Caalami ah oo lagaga Hadlayo Qaxootiga soomaaliyeed ee Dhibaatadu haysato.

badhocSafiirka ayaa Xusay in Shirkan uu daba joogo Shir hore loogu qabtay Magaalada Nairobi oo dhexmaray Kenya,Soomaaliya iyo Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR,kaas oo diirada lagu saarayay sidii dib loogu soo celin lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.

Dhanka kale Safiirka ayaa Dhaliilay Qaabka Dowladda Kenya ay ula dhaqanto Dadka Soomaaliyeed ee Dalkeeda ku nool Xiliyada ay dhacaan Falalka Amaan daro ee Kenya loo geysto,waxaana uu Kenya ka Codsaday in Dadka Soomaaliyeed ee Dalkeeda jooga si wanaagsan loola Dhaqmo.

Hore ayaa Magaalada Muqdisho loogu qabtay Shirkii wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Egad, waxana uu kusoo gebogeboobay Hanaan Nabdoon oo yididiilo leh.

 

SDN/QN

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed