|

Caasimadda Ciraaq iyo Duqaymo ay Diyaaradaha dalkaasi ku fuliyeen iyo Tirada Dhimashada

Baqdad 07.July 2015 (SDN/QJ):- Diyaarad millatariga dawladda Ciraaq leeyahay, ayaa gantaal ku dhufatay magaalada caasimadda ah ee Baqdaad, halkaasoo waxyeelo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka gaadheen dad rayid ah oo dhan 12 qof.

diyaarado fuliyay duqaymoWasaaradda Gaashaandhigga Ciraaq oo falkan ka hadashay, ayaa tilmaantay in diyaaraddu si khaldan u duqaysay magaalada Baqdaad, isla markaana gantaalku si aan ku talogal ahayn uga qarxay diyaaradda, iyadoo arrintaasina noqotay mid ugub ah oo aad uga yaabisay muwaaddiniinta u dhashay dalka Ciraaq.

Sida lagu baahiyey boga internet-ka ee telefishanka Al-jazeera , diyaaradda gantaalku ka baxsaday, ayaa nooceedu yahay Sukhoi Su-25 oo ah kuwa dagaalka loogu talogalay, waxayna hubka ku dhufatay xaafaddu dad rayid ah ku nool yihiin oo ku yaal magaalada Baqdaad.

Mid ka mid ah gantaallada, ayaa cilad farsamo awgeed ugu dhegay qaybta rasaasta laga rido ee diyaaradda xilli ay duqaynaysay goobaha ay haystaan kooxda ISIS, iyadoo aannu gantaalkaasi qarxin ayey diyaaraddu dib u soo laabatay, kadibna markay dul maraysay Baqdaad ayuu qarxay, waxaannu ku dhacay xaafaddo dad rayid ah ku nool yihiin, isagoo si gaar ah u qabsaday saddex guri.” Sidaa waxa lagu yidhi war ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Ciraaq maanta.

Waxa kaloo warbixinaha soo baxay iftiimiyeen in dawladda Ciraaq ka heshay diyaaradaha dagaalka oo noocoodu yahay Sukhoi Su-25 dalalka Ruushka iyo Iran, kuwaasoo ay doonayso inay ku xoojiso awooddooda dhinaca cirka si ay ula dagaalamaan kooxda la baxday dawladda islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS) ama Daacish oo haysta dhul badan oo ka mid ah waddamadaas.

Baqdad SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed