Caaqilkii Shilka Baabuur ku Naf waayay oo si Balaadhan loogu Aasay Tuulada Suuqsade ee degmada Sheekh
Berbera 20.March 2014 (SDN)- Wefti Sare oo Ka Tirsan Xukuumada Somaliland iyo Madax kale ayaa Galabta kaga Qaybgalay Aas balaadhan oo loogu sameeyay Tuulada Suuqsade oo ka Tirsan Sheekh alle ha u Naxariistee Marxuun Caaqil Cabdi Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal kuna magac dheeraa Inna Hadoodil kaas oo Saaka ku Geeriyooday Shil Baabur oo ka dhacay Tuulada Hudisa .
Xubnaha Wasiirada ah ee aaska Marxuunka ka qayb galay ayaa kala ahaa Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal,Wasiirka Warshadaha Mudane Abiib Diiriye Nuur, Wasiirul dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees,Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.Waaxid C.qaadir C.raxmaan,Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed,Maayarka Magaalada Berbera Cabdi Shakuur Maxmud Cidin,Madax dhaqameed iyo dadweyne kale .
Wasiirada Xukuumada,Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa Marxuunka ku Sifeeyay Shakhsi dal iyo dad Jeclaa Wax badana ka soo Ciyaaray Hawlgaladii kala duwanaa ee Qarankani ku talaabsaday Mudadii uu Jiray, Waxanay eebbe uga Baryeen inuu Marxuun Caaqil Cabdi Caaqil Maxamed Cigaal ina Hadoodil uu naxariistiisii Janno ugu deeqo,Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland uu Samir iyo Iimaan ka Siiyo.
Berbera SDN.
Qurbejoog.Com