|

Caaqilka Digil iyo Mirifle ee Hargeysa lagu Caleemo saaray iyo Hadal heynta Qurbejooga Somaliland

London June 23,2012(SDN)-Waxa magaalada Hargeysa shalay ka dhacay xaflad caleemo saara oo loo sameeyay Caaqil ay beesha Digil iyo Mirifle ee Soaliland yeelatay.

Qurbejooga Somaliland ayaa ay hadal heyntoodu u badneyd in wax lagu farxo ay tahay in beesha Digil iyo Mirifle ay Caaqil ku yeelato Somaliland.

Isla markaana Waxa Qurbejoogu si gaara u amaanayeen in Beeshaas oo xarunteedu aheyd Koonfurta dalka Soomaaliya ay haatan xarun ka sameysatay Somaliland.

Hadal uu Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland Caaqil Maxamed Ibrahim Cali Ciraaqi uu ka jeediyay xaladii caleema saarka ka jeediyay ayaa suaalo badan laga keenay.

Caaqilka ayaa sheegay i xaflada Caleemasaarka ay isku ogaayeen ugana mahadcelinayaan Xukuumada Somaliland.

Qurbejoogu waxa ay ka sinaayeen in ay habooneyd in beesha Digil iyo Mirifle ay xiriirka la sameysato Beelaha Somaliland halka ay xukuumada kala xiratay.

Si kastaba ha ahaatee Caaqilka Digil iyo Mirifleoo Hargeysa lagu caleemo saaray waxa ay sawir ka bixineysaa sida Somaliland ay xarunta ugu noqotay Soomaalida sida beri Muqdisho ahaan jirtay.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed