|

Caaddooyinkii Dadkii inaga Wanaagsanaa

Berigii hore dadku soomaaliyeed waxay laasimi jireen cibaadadda iyo Alle bariga. Illaahayna (SWT) ducadooda waa ka aqbali jiray. Inkasta oo dadkaas hore badankoodu aanay si buuxda u wada aqoon diinta, hadana inta yar ee ay bartaan way ku camal fali jireen.

Dadkan dambe ee soomaaliyeed, barashadda aqoonta noocyadeeda kale duwan way ku talax tegeen, laakiin kuma camal falaan.

Sidaas darteed, dadkii hore iyo kuwa wakhtigan noole waxay ku kala duwanayeen dhanka yaqiin diinta iyo ku dhaqankeedaba.

Tusaale: berigii hore marka roobku raago, caruurta malcaamad quraanka dhigata ayaa akhriyi jirtay roob doon, iyaga oo madaxa saari jiray looxii quraanka lagu dhigan jiray ama shaadhka ayey rogaal u xidhan jireen. Illaahay waa ka aqbali jiray roob-doontaas, roobkuna si degdeg ah ayuu ugu di’i jiray idanka Alle.

Abshir AskarHadaynu, eegno dadkan dambe marka roobku la waayo, layidhaahdo roob doon hala tukato, Dadka oo dhan ayaa isu yimaada oo ka qayb gala roob-doontaas. Sida dhacda inta badan roobku wuu raagaa idinka illaahay.

Markaynu is-barbar dhigno labadaas dhacdo ee ku saabsan dadkan danbe iyo dadkii hore roob-doontooda. Waxaa inoo soo baxaysa in dadkii hore ka karaamo badnaayeen dadkan danbe.

Taas oo macnaheedu yahay dadkii hore ayaa illaahay uga dhowaa, dadkan danbe.

Waxaana marag-fur u ah qofkasta oo maanta nool oo soomaaliyeed waxaa ka wanaagsanaa aabihii iyo awoowgii.

Tusaale kale: Sidoo kale, berigii hore marka dumarka sadkoodu go’o, ee ay sagaalka billood gallaan, way ducaysan jireen. Iyagoo samayn jiray Taraare.

Taraaraysigu wuxuu ahaa nooc Alle barri ah, kaas oo gabadha xaamiladda ahi siin jirtay cunto iyo cabitaan dumarka iyo ciyaalka jaarka, qaraabada iyo xaafadda kaleba. Ducadaasna waxay uga dan lahaayeen in Illaahay u fududeeyo foosha. Illaahayna si fudud buu u kala keeni jiray.

Dumarkan dambe inta badan ma sameeyaan ducadaas ama alle barrigaas loo yaqaanay Tarraareysiga. Taas awgeed dumarkan dambe markay fooshu qabato, waxaad maqlaysaa iyadoo la leeyahay waa la qalayaa.

Lasoco qaybta dambe…………

 Abshir Askar Maxamed

Comments are closed