|

Caabuq Sidaha Keena Xanuunka Ebola Si Si Xawli ah ugu Sii Fidiya Gobolada Ku yaala Madaqada Galbeedka Africa Iyo Cabsida taagan.

Sierra Leone 01.Aug 2014 (SDN/QJ)- Dawladaha Galbeedka Afrika, ayaa la daalaa-dhacaya wax-ka-qabashada Cudurka Ebola oo si xawli ah ugu fidaya waddamada Galbeedka Afrika, iyagoo isku-dayaya inay hakiyaan isu-socodka duullimaadyada u kala goosha waddammadaas.

EbolaDawlada Liberia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday Talaabooyin ay rabto inay Wax kaga qabato cudurka Ebola,Waxayna amartay in la xidho dhamaan Iskuulada, iyo in la fasaxo shaqaalaha ay Xukuumadu ka Maarmi karto.

Dhanka kalena Xooggaga amaanka ayaa lagu amray in ay meelmariyaan talaabooyinka lagu dhawaaqay.

Madaxweynaha dalkaasi Liberiya Ellen Johnson Sirleaf, ayaa waxay sheegtay in shacabka laga doonayo in ay u hoggaansamaan tallaabooyinkan wax lagaga qabanayo Halisaha Cudurka Ebola.

epoloIn ka badan 670-qof ayuu cudurka Ebola ku dilay Galbeedka Afrika tan iyo markii lagu arkay bishii Feberaayo.

Dadaalada caalamiga ah ee lagu joojinayo faafida Ebola ayaa la sii xoojiyey.

Hay’adda gargaarka ee saldhigeedu yahay maraykanka ee la yidhaahdo Peace Corps ayaa sheegtay in ay kala baxayso shaqaala gaadhaya 340 dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea.

Hay’adaha Caafimaadka, ayaa isku dayaya inay aqoonsadaan cid kasta oo saarneyd dhowr duulimaad diyaaradeed oo isaga gooshay Galbeedka Afrika toddobaadkii hore, kuwaas oo si uun ula kulmey nin maalmo kadib u dhintey xanuunka Ebola.

Patrick Sawyer ayaa diyaarad ka soo raacey Liberia, waxaana uu habeen baryey dalka Ghana, isagoo kadibna diyaarad kale ka raacey Togo, taas oo ku sii jeedday Nigeria oo ah meesha uu maalintii Jimcaha ugu geeriyoodey xanuunka.

Sawyer ayaa isla markii uu soo gaadhey Nigeria lagu xakameeyey goob u gaar ah, laakiin rakaabkii kale ayaa loo oggolaadey inay iska dhaqaaqaan markii lagu wargeliyey in ruux ka mid ah rakaabkii la socdey cudurka Ebola laga heley.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in Sawyer uu matagey, isla markaana uu shuban haleeley intii uu saarnaa diyaaradaha uu soo raacey midkood.

Hase-yeeshee, Khubarada Caafimaadka waxay sheegayaan inaaney taasi ka dhigneyn khatar uu ninkaasi dadkii la soo safrey uu ku qaadsiiyo xanuunka. In la kala qaado virus-ka Ebola ayaa u baahan in qofku gaadho amaba uu taabto dheecaan ka yimaada jidhka qofka qaba xanuunkan.

Waxaa Mas’uuliyiinka Caafimaadka ay is weydiinayaan sababta ninkan oo dhowaan walaashii ay xanuunka Ebola u dhimatey loogu oggolaaadey inuu waddankiisa ka soo dhoofo iyadoo la ogyahay in xanuunkan uu halkaasi ka dilaacey.

Sierra Leone SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed