|

C.kariin Axmed Mooge oo Deeq lacageed Gudoonsiiyay Xulka Gobolka Daad Madheedh

Hargaysa 16.June (SDN) Munaasibada  casho  sharaf ah oo ay dhalinyarada degmad maxamuud haybe ku maamuuseen Ciyaartoyda gobolka Daadmadheen ayaa ka qabsoontay  Iskandanefiyan Hotel  ee   ka magaalada hargaysa,  taasi  oo ay  ka soo qayb galeen  Badhasaabka Gobolka  Daadmadheedh Maayarka Degmada Oodweyne Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada Isu duwaha Ciyaaraha Gobolka  Daadmadheedh  Xoghayaha Gobolka Cuqaal iyo Marti sharaf tirabadan .

Waxana ugu  horayn Munaasibadan  ka hadlay Maxamed Khadar Daahir oo kamid ah Dhalinyarada soo qabanqaabisay Xafladan kana waramay ujeedada munaasibadan.

Waxa kale iyaguna  madashan casho sharafeeda ah hadalo ka soo jeediyay  Cabdkariin Axmed Mooge  Cuqaal iyo Waxgarad tira badan waxayna dhamaantoodba isga daba mareen muhiimada ay leedahay in la dardar galiyo Dhalinyarada iyagoo Xaafadaha iyo Degmooyimka kala duwan ee Magaalada Hargaysana ugu baaqay inay soo dhoweeyaan Ciyaartoyda .

Saado Faarax Bulbul oo ku hadlaysay afka Qurba joogta kazoo jeeda Gobolka Daadmadheedh ayaa iyaduna ka mahhadcelisay maamuuskan saraftaleh.

Badhasaabka gobolka Daadheedh Jamaal Xuseen Hure iyo Maayarka Degmada Oodweyne ayaa iyaguna madasha hadalo mahad celin iyo dhirigalin isugu jira kazoo jeediyay islamarkaana balan qaaday inanay iloobi doonin soo dhowaynta qiimaha saraysa ee ay kala kulmeen Xaafada Maxamed Mooge.

Xildhibaan Maxamed Xaaji  Yuusuf Waabeeyo iyo Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa iyaguna  xusay inay munaasibadani tahay mid dhiirigalinta iyo tayaynba u ah dhalinyarada isla markaana kula dardaarmay inay  ka fogaadaan balwadaha iyo qabyaalada.

Xildhibaan   Maxamed Maxamuud Yaasiin Xildhibaan Dheeg  oo soo afmeeray Xafladan  casho sharafta ah ayaa Dhalinyarada Xaafada Maxamed Mooge uga mahad celiyay sida waaya aragnimada leh ee ay umaamuuseen Ciyaartoyda martida u ah

Ugu danbayntiina C/kariin Axmed Mooge ayaa Ciyaartoda ku wareejiyay Lacag dhan 500$ oo uu isagu ugu deeqay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed