|

Buug Cusub oo lagu Magacaabo Doonidii Geerida oo hargaysa lagu soo bandhigay

Hargaysa 27.June (SDN)         Munaasibad lagu Daah furayay Buug loogu Magac daray “Doonidii Geerida” oo ka hadlaya Khataraha ay leedahay Tahriibtu ayaa maanta lagu soo bandhigay huteel Summer Time ee Magaalada Hargaysa .

Xafladaas waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan,Wasiirkii hore ee Wasaarada Kalluumaysiga Mudane C.laahi Jaamac Cismaan Geel Jire,Aqoon yahano ka kala Socda Jaamacadaha Hargaysa iyo Golis,Marwo Faadumo Siciid Ibraahin iyo Marti Sharaf kale.

Subeer Maxamed Shiil oo ah Qoraaga Buugan ayaa ka waramay Sababaha ku kalifay Curinta buugan oo uu ku Sheegay inay la Xidhiidho kadib markii uu daraasadeeyay dhalinyaro badan oo u dhalatay Jamhuuriyada Somaliland oo Nafahoodii ku waayay aafada Tahriibta Waxaanu Xusay in Mudadii u dhaxaysay Sanadihii 2008-ilaa 2013kii ay dalka ka baxeen in ka badan Toban kun oo tahriibayaal Somaliland u dhashay kuwaas oo in badan oo ka mid ahi ay ku Lee’deen intii ay ku Guda Jireen Socdaalka Soof daran Habawga ah isagoo intaas ku daray in hadii xaaladu sidan ku socoto ay dhalinayso in dalku uu Gacanta u galo kuna Tarmaan dad aan u dhalan.

Marwo Faadumo Siciid ayaa Sheegtay in baahi weyn loo qabo sidii wax looga qaban lahaa aafada Tahriibka oo Saamaysay Shacabka Somaliland waxaanay kula dardaarantay dhalinyarada Somaliland inay aaminaan Wadankooda Hooyo,Isla markaana ay Niyadooda ka saaraan Sawirada dhalanteedka ah ee Nolosha Qurbaha.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Madashaas ka hadlay ayaa ugu horayn hambalyo u soo jeediyay Qoraaga Buugan oo uu tilmaamay inuu Shaqo fiican oo Wax tar leh u qabtay dalka,Wasiirka Madaxtooyadu Waxa uu ka dalbaday Madaxda dalka aynu deriska nahay ee Somalia inay ka daayaan Umada Somaliland hadalada deel qaafka ku ah waxaanu Sheegay in Shacabka ku nool dalkani aanay marnaba ilaabi doonin dhibaatadii ay ka dhaxleen Midowgii ay la galeen Somalia taas oo ay ka soo gaadhay Nooc kasta oo Tacadi ah waxaanu Intaas ku daray in Go’aanka dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland uu ku qotomo Mashiir iyo aayo ka tashi Ummaded oo cid bedeli kartaa aanay Jirin.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Xubno kala duwan oo isugu jiray Qaybaha Bulshada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed