Burco oo u eg jiida Tukaraq saaka kadib milatari meel walba la dhigay
Hargeysa. 15 September, 2022. (QJ)- Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa saaka u eg jiida Tukaraq ee milatariga Somaliland ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland, kadib milatarigii ugu badnaa oo la dhoobay wadooyinka magaalada Burco si ay u ilaaliyaan madaxweynaha Somaliland oo saaka gaadhay halka hore loo filayay in uu Sabtida tago.
Muuqaalo iyo sawiro laga qaaday Burco ayaa lagu arkayay milatariga oo wado kasta taagan illaa afaafka laga galo magaalada Burco, is goysyada muhiimka ah iyo labada xarumood ee lagu wado in uu ugu horayn tago oo Madaxtooyada Burco ku jirto.
Muuse Biixi ayaa hore u ogaa weji gabaxa uu Burco kala kulmayo balse isaga ayaa go’aansaday in uu magaalada tago kadib sanadkii hore oo si wayn loogu dhaliilay in aanu ka qayb galin qalin jabinta Jaamacadda Burco xili uu ka qayb galay jaamacadaha galbeedka.
Cabsi xoogan ayaa ka haysa madaxweynaha gobolada bari iyadoo mar kasta uu xidho jaakada xabadda celisa oo uu u xidhay safarkii ugu danbeeyay ee uu Ceerigaabo ku tago.
Xiisadaha Somaliland ka taagan ayaa salka ku haya doorashada ururada oo Muuse Biixi rabo in uu si khasab ah Somaliland uga qabto, halka mucaaradku diidanyahay.