Burco: Mudaharaad rabshado watay oo sababay dhimashada hal qof iyo wararkii u dambeeyay ee xaalada magaalada
Burco May, 13 2013 (SDN)- Ugu yaraan hal qof oo shicib ah ayaa ku dhintay, qof kalena wuu ku dhaawacmay rabshado maanta gilgilay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Siday sheegeen wararka naga soo gaadhay magaaladaas, rabshaduhu waxay bilaabmeen markii gaadiidlayda Iska-rogooyinka loo yaqaano ay ka mudaharaadeen go’aan ka soo baxay dawladda Hoose, kaasoo la xidhiidha in aanay wax ciid ah ka guri karin dooxa Burco.
Warku wuxuu intaa ku daray, in gaadiidlaydu ay baabuurtooda ku gooyeen jidadka gala xarunta dawladda Hoose, iyadoo ciidamada nabadgelyada gaar ahaan kuwa RRU-da loo yaqaanaa ay rasaas kaga jawaabeen dhalinyaro dhagaxaan iyo rabshado ka bilaabay gudaha magaalada.
Maayarka Burco Maxamed Muraad oo warbaahinta la hadlay, wuxuu sheegay in xaaladdu faraha ka baxday markii ciidamada RRU-du ay goobta tageen xilli sida uu sheegay ay rabshadahaa qaboojiyeen, balse ay rabshadaha oo badi magaalada ku baahay ay kiciyeen rasaas ay ciidamadu ku ridayeen dadka gadoodka sameeyay.
Siday wararkii u dambeeyay sheegeen, xaaladda magaaladu waxay degtay galabnimadii, kadib markii rabshadahaa oo saaka bilaabmay ay ku baahiyeen qaybo badan oo magaalada ka tirsan.
Rabshahadaa Burco, ilaa hadda waxa la xaqiijiyay in hal qof oo shicib ahi ku dhintay, mid kalena uu ku dhaawacmay rasaasta ciidamada Boolisku u isticmaaleen ka hortaga mudaharaadkaa rabshadaha isu bedelay.
Qurbejoog.co, Burco