Burco: Maleeshiyo Beeleed Gacan ka Hadal dhex maray,Khasaaraha ka dhashay iyo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo ka hadlay
Burco 03.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye,ayaa ka warramay dagaal duleedka waqooyi ee magaalda Burco ku dhex maray laba maleeshiyo beeleed oo beryahanba halkaa isku hor fadhiyay.
Deegaan lagu magacaabo Baliga Diiriye Aw Guuleed oo ka tirsan degmada Kal-barre ee Gobolka Togdheer oo dhinaca Waqooyi kaga began magaalada Burco,ayay galabta ku dirireen laba maleeshiyo beeleed oo beryahanba halkaa isku hor fadhiyay ka dib muran dhul oo muddoba u dhexeeyay laba beelood ee deegaanka wada dega kuna muran san in goobta baligu ahaa ay magaalo noqoto isla markaana laga qoday barkado muranka dhaliyay.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in aalada deegaankan lagu muran san yahay ay arrintiisa ku jireen isla markaana ay go,aan maanta subaxnimadii go,aan ku gaadheen in la bur buriyo lana aaso berkadaha cusub ee halkaa laga qoday isla markaana la kala qaado dhalinyarada hubaysan ee labada dhinac ka dibna la guda galo dhamaynta arrinta xurguftu ka dhalatay.
Waxaa kaloo uu intaa ku daray in ay jireen dilal hore uga dhacay halkaas oo ay kala tirsanayeen labada dhinac oo aan wali a dhamayn.
Ugu horrayn Maxamed Muuse Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo ka hadlaya sida ay galabta wax u dheceen, ayaa yidhi.
“Horta Saaka ayaanu Maamul gobol ahaan go,aan ka gaadhnay in la aaso berkado cusub o halkaa laga qoday isla markaana amar ku bixinay in la kala raro dhalinyarada labada dhinac ee hubaysan kadibna halkaa laga sii amba qaado dhamaynta arrinta,intaa ka dibna waxaan galabta anigu(Guddoomiye Maxamed) u soo baxay dhanka Hargeysa,markaa waxaa galabta la iisoo sheegay in isla goobtii ay isku rasaaseeyeen maleeshiyadii labada Dhinac iyadoo aay markiiba kala gaadheen oo kala dhex galeen ciidan boolis ah oo markii horeba noo degenaa goobta oo ku kala dhex jiray”
Guddoomiyaha oo aanu wax ka ka weydiinay qasaaraha ay keentay dirirta labada dhinac ku dhex martay deegaanka bali Diiriye, ayaa ku jawaabay.
“Warkii ugu dambeeyay ee aan hayaa waa in is rasaasayntaa aanay cidina ku dhiman isla markaana aanu jirin qasaare dhaawac oo weyni,waxaa la ii sheegay in hal nin ay xabadi madanaysay(xagatay) ninkaasina wax weyn ma qabo, dhanka kale ciidankii booliska ayaa kala dhex galay labadii ciidanna waa la kala qaaday.”
Waxaa kaloo aanu weydiinay Guddoomiye Diiriye in ay jiraan qasaare hore oo kala gaadhay labadan beelood iyo in la xaliyay,waxaanu ku jawaabay.
“Waxaa jiray dilal hore oo kala gaadhay walina aan la dhamayn oo aanay ku kala bixin labada beelood laakiin dhakhso in arrintaa hadda ayaa laga hawl gelayaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye
Burco SDN/QJ
contact@qurbejoog.com