|

Burco: Buugaagta geeddiga ah iyo bandhiggii laysku arkay

Burco, 05/07/2012 -Maktabadda wareegta oo dhawaanahanba u heeryaysnayd sidii ay u mari lahayd magaalooyinka waawayn ee dalka ayaa maanta munaasibad loogu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana ka qayb-galay dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada oo ay horkacayaan naadiga akhriska ee hal-karaan iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo.

Buugaagta geeddi ah oo ujeedadoodu tahay sidii ay aqoonta iyo wax akhriska u gaadhsiin lahaayeen bulshda ku dhaqan dhamaan gobollada Somaliland, ka dib markii aqoonyahanka hormoodka ahi ay garwaaqsadeen sanadkii tegay baahida loo qabo in la helo goobo wax-akhris iyo maktabado guud oo dadku wax ku akhrisan karaan, ayaa munaasibadda maanta loogu qabtay Hudheelka Golis ee magaalada Burco, waxa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka wasaaradda warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed, Maayarka degmada Burco Maxamuud Xasan Dhego-laab, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horeyn munaasibada bandhiga maktabadda wareegta iyo buugaagta geeddiga ah ee magaalada Burco waxa ka hadlay Jaamac Muuse Jaamac oo hormood ka ah Barnaamijkan. Waxaanu warbixiyay ujeedada barmaamijkan, isagoo tilmaamay inuu faa’iido badan u leeyahay bulshada da’yarta ah, islamarkaana bugaagtaas geeddiga ahi ay u baahan yihiin hoy ku negaadaan. Jaamac waxa uu martidii iyo da’yarta gobolkaTogdheer u diray fariin la xidhiidha cidhibtirka qabyaaladda ragaadisay bulshada iyo jahliga oo lagu daweeyo aqoonta iyo wax akhriska.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar iyo MaayarkaMagaalada Burco Maxamuud Xasan Dhegalaab oo ka hadlay munaasibadaas ayaa si isku mid ah u caddeeyay inay hirgelinayaan xarun wax akhris oo ka dhexaysa dadweynaha magaalada Burco iyo guud ahaan Gobolka Togdheer, waxaanu maamulka degmadu isla goobta kaga dhawaaqay inay ku deeqeen dhisme.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa si miisaan leh ugu dardaaray dhalinyarada guudahaan inay ka faa’iidaystaan waqtiga ay haystaan, isla markaana ay ku dedaalaaninay badsadaan wax akhriska bugaagta.

 

Qurbejoog, Burco

Comments are closed