Burcadbadeeda Soomaalida oo sii daayay Markab iyo shaqaalo la socday
Copenhagen May 01 2013 (SDN)– Sida ay xaqiijisay dowlada Denmarka,waxaa xoriyadoodii dib u helay Afar qof oo ajaaniib ah oo Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay mudo Labo sano ah gacanta ay ku hayeen.
“In ka badan Labo ayaa danbiilayaasha waxay u haysteen Maxbuusnimo,sidaasi waxaa sheegay Ra’iisul wasaaraha Denmark Helle Thorning-Schmidt,waaana ku faraxsanahay in Lixda qof dib xoriyadooda ay u helaan,”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul wasaaraha.
Ilaa iyo hada ma sheegin dowlada in ragaan lagu sii daayay Lacag Madaxfurasho ah oo la siiyay iyo in kale.
Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Denmarka ayaa horay xeebaha Soomaaliya loogu soo diray si ay gacan ugu geystaan sii deynta lahaaystayashaasi.