Burcad Soomaali ah oo Duur joog ka ugaarsata Kenya,iyo Xukuumada oo baareysa
Nairobi Jan 20,2013(SDN)-Burcad Soomaali ah oo ka soo talaawday xadka iyo Ugaarsato ayaa sanadkii ina dhaafay laayay xayawaan duurjooga oo Maroodigu ka mid yahay,sidaa waxa sheegay Sarkaal ka tirsan Dawlada Kiinya.
Burcada ayaa inta badan leysay xayawaan ku nool beero lagu xanaaneeyo oo aad u waayn oo qaarkood si gaar ah loo leeyahay.
Ciidamada Ilaalada Xayawaanka dabar go’a laga badbaadinayo ayaa la faray in madaxweynaha Kiinya ay horgeeyaan warbixin arrinkan ku saabsan.
Sidoo kale dadka Ugaarsada Duur-joogta ay ka midka yihiin Maroodiga iyo Jeerta ayaa laaya reer miyiga iyo ilaalada beeraha xayawaankan lagu xanaaneeyo.
Todobaadkii ina dhaafay ayaa Burcad ku leysay Beerta Tsafo 11 Maroodi oo ay foolka uun kala baxeen.
Foolka Maroodiga iyo ka Jeerta ayaa suuq madoow lagu kala iibsadaa lacago faro badan.
Sanadkii ina Dhaafay waxa lagu laayay dalka Kiinya 375 Maroodi iyo 20 Jeer.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com