Burcad badeeda Soomaalida oo qafaashay dooni u xoolo siday oo u rarneyd ganacsto Soomaali ah
Boosaaso June 06 2013 (SDN)— Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa waxa ay qafaasheen dooni Xoolo nool ka qaaday dakada Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.
Doonida ayaa u rarneyd ganacsato Soomaali ah waxaana laga leeyhay dalka India iyadoo ku sii jeeday dalka Qadar oo ay xoolaha u siday.
Doonida ayaa waday 600 oo neef oo Lo’ ah kuwaasi oo laga qaaday dakada Magaalada Boosaaso ee uu ka taliyo maamulka Puntland.
Burcad badeeda Soomaaliya ayaa la sheegay in doonidan ay ka qafaasheen meel qiyaastii 20-mile u jirta dakada Boosaaso, waxaana lagu soo waramayaa in Ilaalada xeebaha Puntland ay ku raadjoogaan kooxahaasi.
Si kastaba doonida ayaa lagu magacabay ‘Saahi Nuuri’ waxaana ay kamid tahay doonyaha u kireysan ganacsatada Soomaalida ah ee wax ka dhoofsadaha dagakada Maamulka Puntland.
Ma jiraan wax war ah oo ku aadan doonidaasi oo ka soo baxay ganacsatadii ay urarneyd iyo maamulka Puntland.
SDN- Boosaaso