Burcad-badeeda Soomaalida oo la Tirakoobay dadka ay Laayeen
Washington June 23,2012(SDN)-Hayad ka diiwan gashan dalka Mareykanka oo baaritaan ku sameysay dhibaatada Burcad badeedu ku heyso Maraakiibta isaga gooshta xeebaha Soomaalida.
One Earth Future foundation ayaa warbixintan ay daabacday ku xustay in ay korortay dilalka iyo dhaaca ay Burcadu u geysato dadka gacanta u gala.
Warbixtu waxa ay sheegtay in Sanadii 2011kii ay burcada gacanteda ku dhinteen in ka badan 35 ruux.
Dadkaa dhintay ayaa 8 ka mida ay Burcadu si toosa u dishay halka inta kalena ay siyaabo kala duwan u dhinteen.
Hore looma heyn tirakoob noocan oo kale ah oo sawir ka bixisa dhibaatada burcadu ku heyyso Maraakiibta iyo shaqaalaha la socda.
Burcda Qudheeda ayaa dilal fara badan loo geystay sanadiii 2011kii oo ah xiliga daraasadan la sameeyay.
Daraasadu waxa ay tibaaxeysaa in 111 ka mida Burcada in la dilay sanadii 2011kii.
Burcada ayaa dagaal ka dhan ah oo lagu qaaday sanadihii u danbeeyay awgeed waxa hoos u dhac ku yimi burcadnimadii.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com