|

Burcad badeeda oo waxyeelo u geysta dhaqaalaha Africa

Cape Town April 17,2012(SDN)-Shir ay dhawaan isugu yimaadeen dalalka ku bahoobay ururka caalemiga ah ee Badmaaxyada oo lagu qabtay Konfur Africa ayaa lagu xaqiijiyay in dalalka Africa hoos dhac dhaqaale kala kulmeen burcad badeednimada.

Madaxa ururkaas Philip Holihead ayaa saxaafada u sheegay in dalba dalka uu uga dhaw yahay Soomaaliya uu dhaqaalihiisu hoos u dhacay sanadihii ina dhaafay.

“Dalka Kenya hadaad eegto sanad walba waxa xeebaha Mombasa gaadhi jiray 14 ilaa 15 markab oo ah kuwa damashlaha,iminkana taasi meesha waa ay ka baxday”ayuu yidhi madaxa Ururada Badmaaxyada caalamka.

“Sidoo kale dalka Seychells ayaa wax soo saarkiisa grbi ahaanba uu ku xidhan yahay Badda,waxaana soo wejahay hoos u dhac lagu qiyaasay ilaa 8%”ayuu Philip Holihead raaciyay.

Guud ahaan Burcad badeeda Soomaalidu waxa ay ganacsiga Dunida Gaadhsiiyaan khasaare lagu qiyaasay $7 billion sanad walba.

Khasaaraha ayaa isugu jira shidaal dheeri ah oo lagu kordhiyo xawaaraha iyo masaafada maraakiibta,Amniga iyo caymiska maraakiibta.

SDN-Cape Town

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed