|

Burcad badeeda oo sii daayay Mucaaridiin in kabadan sanad ay gacanta ku hayeen

Soil Dec 02, 2012 (SDN)— Afar muwaadin oo u dhashay dalka Koonfur kuuriya oo in kabadan 19 bilood ah gacanta ugu jiray kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa waxa la sheegay in la sii daayay afartaasi lahaaystayaal ee ka soo jeeda Koonfur Kuuriya.

Siidaynta lahaystayashaani gaaraya ilaa iyo afarta ruux ayaa waxaa xaqiijiiyay islamarkaana wakaalada wararka Reuters u sheegay Wasiirka arimaha dibada dalka Koonfur Kuuriya.

lahaystayaashani oo in mudo ah gacanta ugu jiray Burcad badeeda Soomaalida ayaa xilliga la afduubayay waxa ay la socdeen markab lagu magacaabo MT Gemini.waxaana markaasi saarnaa shaqaalo oo marka laga reebo afartaan koonfur kuuriyaanka ah waxaa kaloo jiray 21 kale oo markabka saarnaa.waxaana goortii afduubka loo geysanayay oo aheyd April 30 2011 safarkiisana waxa uu ku wajahnaa Malaysia isagoona Kenya ka soo shareecday.

Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ayaa markabka MT Gemini iyo shaqaalihii kuuriyaanka ahaay sii daayay 7 bilood ka hor,iyagoona markaasi muwaadiniinta kuuriyanka aanu sii daayin.

Dhamaan afarta koonfur kuuriyaanka waa la sii daayay maalintii shalay oo sabti ahayd sidaasi waxaa Reuters u sheegay Wasiirka arimaha dibada dalka Kuunfur kuuriya.

Wakaalada wararka Koonfur Kuuriya ee Yonhab iyo Idaacadaha kale waxa ay sheegayaan in caafimaadka dhalinyarada ay tahay mid wanaagsan.

Ilaa iyo iminka macada in afartaan muwaadin lagu sii daayay lacag madax furasho ah iyo in kale.

Comments are closed