Burcad badeed Soomaali ah oo Maxkamad ku taalla Jaban ay Xukun ku riday
Tokyo Feb 04 2013 (SDN)— Maxkamad ku taala caasimada dalka Japan ee Tokyo ayaa xukun ku riday labo ruux oo ka tirsanaa kooxa burcad badeeda Soomaalida kuwaasi oo la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaada xebaha ee dalka Soomaaliya ku sugan.
Labada ruux ee ka tirsan kooxa burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa maxkamada magaalada Tokyo ay ku xukuntay muddo 10 sano oo xarig ah sida uu daabaay wargeyska Japan Times ee dalkaasi.
Dhalinyarada la xukumay ayaa la sheegay inay weerareen markab shidaalka qaada oo laga leeyahay dalkaasi Japan oo lagu magacaabo Bahamas kaasi oo marayay gacanka cadmeed sanadkii 2011 bishii maarso.
Labada dhalinyaro ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Urgus Cadeysay oo 23 sano jir ah iyo Cabdi Nuur Xuseen Cali oo 38 sano jir,waxaana lagu helay dambiga Burcad badeednimada ah.
Waxay noqonayaan dadkii ugu horeeyay oo lagu xukumo dalkaasi Japan tan iyo markii dalkaasi laga soo saaray sharciga ka dhanka ah kooxa burcad badeeda sanadkii 2009.
Waxaana sharciga uu ahaa mid dhigaya in dadka qirta kooxa burcad badeeda lagu xukumo inta u dhaxaysa shan sano ilaa xabsi daa’in,sida uu daabacay wargeyska Japan Times.
Labada ruux ayaa qirtay inay isku dayeen weerarka iyo qabashada markabka shidaalka waday iyo shaqaalahiisa oo gaarayay 24 ruux,waxaana gacanta ku dhigay ciidamada badda ee dalka Maraykanka.
Ciidamada badda maraykanka ayaa Maxamed Urgus yo Cabdinuur waxay la qabteen labo ruux oo kale oo looga shakiyay inay ka mid ahaayeen kooxa burcad badeeda Soomaalida.