|

Burcad Badeed Soomaali ah oo bilaabay leynta maxaabiista gacantooda ku jira

Xaradheere Dec 27,2012(SDN)-Burcad badeed Soomali ah oo gobolka Mudug ku heysta Maxaabiis mudo sanad ku dhaw ayaa ku goodiyay in ay leynayaan dadkan ay hayaan.

Burcada oo dadkan kala soo degay markab ay afduubeen bishii koowaad ee sanadkii ina dhaafay ayaa ku guul dareystay in ay helaan madax furasho mudaadaa dheer.

Hanjebaada Burcada Soomaalida ayaa ku soo beegmeysa xili reer galbeedku beryahan sheegayeen in ay ka guuleysteen burcada Soomaalida.

Burcadan beriga Mudug ku heysata maxaabiista ayaa hore u toogtay Naakhuudihii markabka Mv Leopard oo la yidhaahdo Eddy Lopez kana soo jeeda dalka Chile.

La heystayaasha haatan birtu dul taal ayaa ka soo jeeda dalka Philippines,mana cada tiradooda dhabta ah.

Dhawaan ayuunbey aheyd goortii ay gaashaan buurta NATO ee ka hawlgasha baddaha Soomaalida si ay u cirib tirto Burcad badeeda shaacisay in lixdii bilood ee ina dhaafay aan wax markaba baddaha Soomaalida lagu afduuban.

Dilka iyo hanjabaada Burcadu u geysaneyso la heysteyaasha ayaa ah xaalad cusub oo ku soo biirtay mashaakilka Burcad badeeda Soomaalida.

SDN-Xaradheere

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed