Burcad badeed Soomaali ah oo afar ruux oo u dhashay Korea heysta 500 oo casho
Nairobi Sept 11,2012(SDN)-Burcad badeed Soomaali ah ayaa waxa ay 500 oo cisho ay heystaan afar ruux oo u dhashay dalka Korea oo ay madaxfurashadoodiina hore u qaateen.
Burcada ayaa afartan ruux kala haray shaqaale iyo markab ay madaxfurasho uga qaateen,ka dibna dalbaday lacago xad dhaafa oo dhaaeri ah.
Afartan ruux oo la socday markab la yidhaahdo MT Gemini oo laga leeyahay dalka Singabore ayaa waxa laga soo qaafaashay xeebaha dalka Kiinya.
Dawlada Korea ayaa sheegtay in aaney u suurto galeyn in ay burcad la xaajooto balse waxa ay sheegeen in ay gacan siinayaan shirkada markabka maamusha.
Halka shirkaduna ay sheegtay in burcada Soomaalidu ay doonayaan lacao madax furasho oo dheeri ah.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa ciyaaraya door aan hore looga baran,oo waxa ay maxaabiista u ogolaadeen in ay ehelkooda la hadlaan,isla markaana waxa ay cajalad muuqaal ah ka duubeen maxaabiista oo dawladooda u cabanaya.
Maxaabiista ayaase sheegay in xaaladooda caafimaad iyo ta amaanba ay haatan hagaagsan tahay.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com