|

Burcad badeed dooneysa in ay saaxiibadood oo ku xidhan Hindiya in ay ku bedeshaan maxaabiis ay heystaan

Delhi Sept 15,2012(SDN)-Burcad badeed Soomaali ah oo heysata todoba ruux oo u dhashay dalka Hindiya ayaa la sheegay in ay doonayaan in maxaabiista ay ku bedeshaan 16 Burcada oo ku jira xabsiyada dalka Hindiya.

Burcad badeeda ayaa maxaabiistan qabtay kol ay 2010kii afduubteen markab la yidhaahdo Asphalt Venture oo ay hore u sii daayeen shaqaale kale oo markabkaa la socday.

Burcada iyo dawlada Hindiya ayaa gorgortan ku jiray labadii sanadood ee ina dhaafay oo ay isku afgaran la’aayeen madaxfurasho.

Mid ka mida raga la heysto ayaa qoyskiisu saxaafada u sheegeen in burcad badeedu e-mail u soo direen isla markaana ay dalbadeen in saxiibadooda loo sii daayo si iyagana ay la heysteyaasha u sii daayaan.

Burcada ayaa reerka ka dalbaday in si deg dega ay arrinka u dhameeyaan oo ay jawaana u soo siiyaan.

Qoysaska shaqaalahan la heysto ayaa ka baqanaya in burcadu ka dhabeyso hanjabaad ay ku sheegeen in ay leyn doonaan la heysteyaasha hadaan degdeg loo sii deyn saaxiibadooda la heysto.

Qoysasku waxa ay xukuumada Hindiya ka dalbadeen in ay xaalada farageliso si loo samata bixiyo dadkan labada sano la heysto.

SDN-Delhi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed