|

Burcad badeed afduubatay dooni Yemen laga leeyahay

Garoowe December 27, 2023 (QJ) -Budhcad badeeda Soomaalida ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo celiyeen weerarada ay ku qaadayaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa kalluumeysiga bilihii lasoo dhaafay.

Hay’adda ganacsiga badaha ee dalka Ingiriiska ayaa qiratay inay heshay warar muujinaya in mar kale markab lagu af-duubtay biyaha Soomaaliya u dhow.

Hawlgallada ganacsiga badaha ee UK ayaa intaa ku daray in markabka la afduubay ee “Emerat-2” markii ugu dambeysay lagu arkay biyaha waqooyiga ee xeebaha Yemen.

Afduubka ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay meel qiyaastii 8 nautical miles waqooyi ka xigta degmada Eyl ee maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dhacdadan ayaa daba socota weerarro isxigxigay oo hore oo ay budhcad-badeeddu bilaabeen horaantii December.

Waxaa la xusay in budhcad-badeeddu ay isticmaaleyso maraakiib yaryar oo kalluumaysi si ay u weeraraan maraakiibta waaweyn, iyaga oo ka faa’iidaysanaya hoos u dhaca ciidamda caalemiga ah ee hore u joogay badda gobolka.

Comments are closed