Bulshada Soomaaliyeed oo ka xumaatay toogashadii wariye Tuuryare
Muqdisho Oct 22,2012(SDN)-Bulshada Soomalaiyeed ayaa si weyn uga xumaatay weerarkii wuxushnimada ahaa ee xalay loo geystay wariyaheena Muqdisho Maxamed Maxamuud Tuuryare.
Wariye Tuuryare ayaa xalay laba ruux oo bastoolado ku hubeysani ay ku weerareen xaafada xaawo taako ee degmedda Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Fariimo faro badan oo na soo gaadhay ayaa muujinaya sida qeybaha kala duwan ee Bulshadu ay uga xumaadeen isku deygaa lagu doonayay in suxuufiga lagu khaarejiyo.
Dhanbaalada na soo gaadhay ayaa muujinaya sida mujtamicu khaati uga taagan yihiin kooxahan xaadeystay in ay bartilmaansadaan suxuufiyiinta Soomaaliyeed.
Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo sidoo kale ka hawlgala Iddaacada Shabeelle ee Muqdisho ayaa xaaladiisu ka soo reyneysaa maanta.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ay walaalkeen u soo duceeyaan in eebe nabarkaa gardaro ka kiciyo aamiin.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com