|

Bulshada oo taageertay go’aankii Golaha Wasiirada ee xayiraad ka qaadista Ganacsade Axmad Nuur Jimcaale

Muqdisho Aug 26,2013(SDN)-shir balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee bulsahda Soomaaliyeed, sida Culimaa’udiin, Odayaal, dhalinyaro,haween, xildhibaano iyo qurbejoog kana dhacay hotelka Jazeera ee
magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu taageeray go’aankii 22 bishaan
Agoosto ka soo baxay Golaha Wasiirada ee Dawladda Soomaaliya kaasoo
lagu dalbanayay in xayiraada laga qaado ganacsade Axmad Nuur Jimcaale.

kulankan ayaa waxaa khudbado ka jeediyay mas’uuliyiin kala duwan,
waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka tirsan
mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna sheegay inuu si weyn u
taageerayo go’aanka geesinimada leh ee golaha Wasiirada, wuxuuna xusay
inay tahay waajib in dawladda ay difaacdo hantida, sharafka iyo
karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaan doonayaa anigoo ka faa’iideysanaya fursadan inaan baaq u
jeediyo beesha caalamka, gaar ahaana Golaha ammaanka iyo dawladda
Mareykanka, waxaana leeyahay Axmad Nuur Jimcaale waa geesi u guntaday
shacabkiisa, markii dawladdii dhexe burburtay oo dadkii kala carareen
ninkii dadka qurbaha lacagaha uga soo qaadi jiray kuwii ku haray
dalka, ee awoodi waayay inay cararaan, waxaana leenahay Argagixiso
shuqul kuma lahan” ayuu yiri Mudane Xeyd oo sheegay in haddii ay
dhacdo in xayiraada lagu sii hayo ganacsade Axmad Nuur ay noqoneyso
cadaawad loola dan leeyahay in lagu cuuryaamiyo hantida iyo
horumarkiisa.

Waxaa iyaduna goobta ka hadashay Marwo Batuulo Axmad Gaballe oo ah
guddoomiyaha haweenka waxayna sheegtay inay cod dheer ku dalbanayaan
in si deg deg ah xayiraada looga qaado ganacsade Axmad Nuur Jimcaale,
oo ay xustay inay iyadu shaqsiyan u garaneyso isla markaana weligiis
lagu tuhmin falal argagixiso “Waxaan leeyahay Axmad Nuur waa ganacsade
xalaal miirad ah, oo shacabkiisa kaalin weyn u galay una abuuray shaqo
kumanaan, ma ahan in loogu abaal gudo xayiraad iyo argagixiso ayaa
looga shakiyay shacabku waa diiday arrintaas, mana ogolin, waana in si
dhaqso ah looga qaado xayiraada” ayay tiri Marwo Batuulo oo intaasi
raacisay in cida la dagaalanta Axmad Nuur ay tahay cid la dagaalantay
horumarka dadka iyo dalka soomaaliyeed.

sidoo kale, Sheekh Bashiir Axmad Salaad oo goobta ka hadlay ayaa xusay
in dadka maanta shirkan isugu yimid ay badankooda yihiin dadkii ay
dhibaatada u geysteen kooxaha argagixisada iyo qaswadayaasha ah,
sidaasi darteedna aan marnaba looga shaki karin ganacsade Axmad Nuur
inuu ku lug leeyahay arrimo fowdo iyo dhiig daadin.

“Anagu waxaan ka mid nahay kuwa ay dhibaatada u geysteen argagixisada
ayna maalin kasta shirqoolka u dhigeyso, sidaasi darteed Axmad Nuur
waxaan u muujineynaa taageeradeena, beesha caalamkana waxaan leenahay
ha la siiyo xorriyadiisa” ayuu yiri Sheekha oo xusay in caalamku uu
qadariyo xorriyadda shaqsiga loona baahan yahay in aysan iyagu ku
tuman xaquuqul insaanka ay sheegtaan.

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdkariin Gabeyre
oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay inay nasiib darro tahay in shaqsi
Axmad Nuur Jimcaale oo kale ah in la xayiro, maadaama uu yahay shaqsi
waqtigiisa iyo maskaxdiisa u huray horumarinta bulshada soomaaliyeed,
shaqona u abuuray kumanaan iyo kumanaan shacabka Soomaaliyeed ah.

Ugu dambeyntiina, Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo goobta ka hadlay ayaa
sheegay in caalamka ay ceeb ku tahay shaqsi ay dawaladiisii iyo
shacabkiisiiba taageerayaan oo ay codsanayaan in xayiraada laga qaado
maadaama uu yahay shaqsi bulshada u adeega oo taakuleeya, agoonta, iyo
dadka danyarta ah, dalkana ka hirgeliyay Iskoolo, goobo caafimaad, in
loogu abaal gudo xayiraad, taasina loo fasiran karo in caalamku
doonayo in aan la garab siinin shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji
xaaji11@gmail.com

Comments are closed