Bulshada iyo Maamulka Boorama oo dalbaday inay Marti geliyaan Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland iyo Jawaabta Wasiirka Ciyaaraha
Boorama 25.October 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarda Ciyaaraha Somaliland oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Badhasaabka Awdal, Xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Boorama iyo Masuuliyiinta Wasaarada Ciyaaraha ee gobolka Awdal ayaa maanta soo kormeeray xarumaha Wasaarada Ciyaaraha ee gobolka Awdal iyo garoomada kubada cagta iyo kolayga eek u yaala gudaha magaalada Boorama.
Wasiirka ayaa waxa uu indhaha soo saaray halka uu marayo dhismaha garoonka kubada cagta ee magaalada Boorama, waxana goobtaasi warbixin ku siiyay Isuduwaha Wasaarada Ciyaaraha ee gobolka Awdal Cabdiwahaab Yusuf Ibraahim, kaasi oo si toos ah ugu sheegay in Awdal ay damacsan tahay in ay martigaliso ciyaaraha gobolada Somaliland ee soo socoda waxana uu yidhi “garoonkii kubada Cagta ee Boorama dhismihiisu meel wanaagsan ayuu noo marayaa waxa noo qorshaysan inaan sanadkan gudihiisa dhamaystirno, waxana aan rabnaa inaan isku tashano gobol ahaan, degmo ahaan, ganacsato, iyo qorbojoogba, ujeedadayaduna waxa ay tahay inaan u diyaar garawno martigalinta ciyaaraha gobolada ee soo socda”
Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar ayaa isaguna sii adkeeyay hindisahan, waxana uu yidhi “Wasiir waad u jeedaa in garoonkii hawshiisu meel fiican marayso, waxa aan rabnaa inaan dhamaystirno oo aan isku diyaarino martigalinta ciyaaraha gobolada Somaliland oo aan ku kalsoonahay in gobolka Awdal uu u marti galin doono si ka wanaagsan sidii hore, Awdal, waxa aan qabaa in laba arimoodba ay u sahlayaan inay ka guulaysato gobolada kale kuwaasi oo kala ah xasiloonida dhinaca nabadgalyada ah oo uu gobolkani yahay mid ka xasiloon oo ka shaqaaqo yar gobolada kale, iyo mida labaad oo ah cimilada soo dhawaynta mudan ee cid walba la qabsanayso ee uu gobolkan Eebe ugu deeqay, waxa kale oo aan leeyahay reer Awdal arintaasi dhayal ku iman mayso ee waxa ay u baahan tahay inaan isku tashano oo aan wax wada qabsano oo aan dhan uga soo wada jeedsano sidii aan arintaas uga midho dhalin lahayn arintaasi, Wasaaradana waxa aan ka codsanaynaa inay diyaar u noqoto qabyo tirka hawlaha naga awood bata ee garoonka shaqadiisa ah, hanoqoto qurxinta ama martigalinta ciyaarha gobolada”
Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday in uu Awdal ku taageeri doono martigalinta ciyaarahaasi waxana uu yidhi “Waan arkayaa hawsha ka socota garoonka iyada oo ay jimce tahay, waa arin lagu farxo oo ay sababtay isku duubnida reer Awdal, waxa aan leeyahay waa arin u baahan in lagaga daydo gobolka, mid martigalinta ciyaaraha gobolada ee soo socda, hada idin odhan mayo waan idiin balan qaadayaa, balse waxaan idiin sheegayaa inaan jecelahay in Awdal martigaliso aniguna aan idin taageeri doono, waxase loo baahan yahay inaad ogaataan in tartan lagu jiro, oo wax laba ay ku xidhnaan doonaan waxa aad ka gobol Ahaan soo bandhigtaan ee aad la shir timaadaan”.
Boorama SDN.
Qurbejoog.com