|

Britain Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay U Safraan Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa

London:May,15,2014(SDN/QJ)-Dawladda Britian ayaa ugu baaqday Muwaadiniintooda ku nool magaalladda Mombasa ee dalka Kenya inay isaga soo huleelaan magaalladaasi, isla markaana waxay ka digeen weeraro Argagixiso oo ka dhaca magaalladaasi.

kek Hadal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain (FCO), lana soo marsiiyey Komishinka Sare ee British ku leeyihiin Mombasa ayaa waxaa Muwaadiniintooda Britishka uga digeen inaanay booqasho ku tegin Jesiiradda Mombasa iyo deegaannadda ku hareeraysan.

 

Hadalka Qoraalka ee ka soo baxay Dowladda Britain ayaa lagu sheegay inay Dowladda Kenya la wadaagayaan Wararka Mukhaabaraadka ee dhinaca Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda iyo baadhitaanka dembiyadda iyo xadhigga Kooxaha looga shakiyo falalka Argagixisadda, iyadoo la dhowrayo Xuquuqda Aadanaha

 

Bishan May 3-dii waxa magaalladda Mombasa ka dhacay laba qarax oo ay 3 qof ku geeriyootay, kuna dhaawacmeen tobaneeyo kale.

 

Digniinta ayaa ku soo beegmayso iyadoo ay Ciiddanka Ammaanka ee dalka Kenya feejignaan sare kaga jiraan weeraro la filan kara inay ka dhacaan magaallooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Kenya ayaa dhibaato ku qabta kooxaha islaamiyiinta ah eek a dhex dagaalama Somalia, waxana ay halista ammaan eek a jirtaa ay hoos u dhigtay Dakhligii ay ka heli jirtey Dhinca Dalxiiska oo ay faa’iido badan ka heli jirtey.

 

SDN/QJ-

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasparanews.com

Comments are closed