Britain oo ku baaqday in la sii wado howlgalka AMISOM, taagerana u fidisay Kenya iyo Uganda
London Dec 19 2012 (SDN)— Dowlada Britian ayaa dowladaha Kenya iyo Uganda ku amaantay sida weyn ay kaga qeyb qaadaneyso dib u soo celinta nabada iyo kala danbeyntii ka jirtay dalka Soomaaliya,iyo doorka ay ka qaateen.
Sarkaal ka tirsan wasaarada difaaca dalka Britian oo lagu magacaabo Sir David Richards oo la hadlay wargeys lagu magcaabo East,Day ayaa waxa uu sheegay in la soo koobi karin kaalinta iyo doorka ay ku leeyihiin dowlada Kenya iyo Uganda ka qeyb qaadashada in dib loo soo nooleeyo hanaankii dowladnimo ee ka jirta dalka Soomaaliya,waxa uuna intaasi ku daray hadalkiisa in si weyn ay u gacansiin doonaan dowladaasi sidii mar kale u sii kordhin lahaayeen caawinta Soomaaliya.
Waxa uuna sidoo kale Mas’uulkaan ka tirsan wasaarada difaaca dalka Britian Sir David Richards uu sidoo kale shaaca ka qaaday in howlgalka ka socda Soomaaliya ee loogu soo horjeedo Ururka Al-shabaab ay qeyb weyn ay ku leeyihiin dowlado dhowr ah balse waxa uu si gaar ah u xusay dowladaha Kenya iyo Uganda oo uu sheegay in qeyb libaax leh ay ka qaateen.
Waxa uuna ku sii dhiirageliyay inay sii wadaan dadaalada ay ka wadaan Soomaaliya iyo gacansiinta dowlada Soomaaliya,oo iminka dagaal kula jirta Ururka Al-shabaab ee xariirka la leh Al-qaa’ida.
Sir David Richards ayaa dhanka kale waxa uu tilmaamay in dowlada Britian ay Soomaaliya iyo dowladaha taageeraba ay la garab taagan tahay hiil iyo hooba oo aan hagar ku jirin,waxa uuna balan qaaday inay garab istaagi doonaan si aysan u joogsan howlgalka ilaa iyo nabad galyada dib loogu soo celinayo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya.
SDN-London