Britain oo Abaabuleysa Shir Maalgashi loogu baadi goobayo Soomaalida
London Mar 30,2013(SDN)-Dawlada Birtain ayaa shaacisay in ay dooneyso in shirka London dhawaan lagu qabanayo ay ku soo bandhigto fursad maalgashi loogu baadi goobayo Soomaalida.
Sidaa waxa dhawaan shir Soomaalida Britain uu la yeeshay ku sheegay wasiirka Africa ee dalkaas Mark Simmonds.
“Ururo badan oo Qurbejooga ka mida ayaa haatan dib u noqonaya si ay u maal gashadaan dalkoodii,waxaanan dooneynaa in aanu arintaa dhiiri gelino,intaa waxa dheer in aanu reer UK inta aan Soomaalida aheyn in aanu ku boorino in fursado maalgashi ay ka jiraan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya,Puntland iyo Somaliland”ayuu yiri Wasiir Simmons.
Kulanka oo ay isku dubo rideen dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda qabyaalada ayaa waxa wasiirka ku weheliyay xildhibaan Angie Bray.
Kulanka ayaa looga gol lahaa in dhalinta Qurbejoogu ka waramaan qorsheyaashooda ku wejahan maalgashiga Soomaaliya iyo shirka London ee Soomaaliya loo qabanayo.
“Maanta waxaan shaaciyay in aanu qabaneyno shir maalgashi loogu baadi goobayo Soomaalida” ayuu wasiirku u sheegay Soomaalida.
Soomaalida UK ayaa beryahan danbe aad u tegayay dhulkii iyada oo laga faaiideysanyo nabada isa soo tareysa ee haatan jirta.
SDN-London
contact@somaliland