|

Brazil oo Ku Hadaaqdey Iney Sugi Doonto Amniga Koobka Aduunka Iyo Macarana Stadium oo La Dayactirey. By Jaahuur.

140221043943_world_cup_stadium_464x261_reutersBrazil-01-Mar-2014-(SDN) Asxaabtay faqidaadeena ciyaaraha waxaynu ula baqooleynaa xagaaiyo Brazil oo ku hadaaqdey iney sugeyso amaanka koobka kubadda cagta ee aduunka iyo garoomada lagu ciyaari doono.

Saaxiibayaal waxaynu la soconaa oo aan shaki ku jirin in bisha Juun ee soo socota haddii ilaahay yidhaahdo 32-ba dawladood ku hardimi doonaan koobka kubadda cagta ee Aduunka dalka Brazil 2014-ka.

Haddaba xukuumadda Brazil waxay u qorsheysey 170,000 oo ilaala ah in aay sugaan amaanka garoomada iyo xulalka ka soo qeybgali doona.

Haddii loo baahdo milatari waanu ku soo shubi doonaa sidaana waxaa ka dhawaajiyey gabadha ka amar tukaaleysa madaxweynahana ka ah Brazil Dilma Rousseff.

waxaa isna ku nuux-nuuxsadey in wadanka Brazil diyaar u yahay amniga koobka aduunka Agaasimaha u qaabilsan amniga Fifa Ralf Muschke.

Waayadan waxaa dayactir lagu hayey garoomada siiba garoonkii weynaa ee loogu tala galey furitaanka ee sannadkii aynu soo dhaafney afweynta darsadey laguna magacaaboMaracana Stadium.

W/qorey Jaahuur

SDN-Ottawa

jjahuur@hotmail.com

Comments are closed