Brazil oo 3-0 Ku Khaarijisey Japan (Semi Final Olympics)
Old-Trafford-London-Olympics-July-08-2012-qurbejoog.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku lafagureynaa ciyaarahii Olymbikada wali sidii loogu talagay uga socda cariga Ingiriiska.
Wayadan waxaynu ku mashquulsaneyn xagga atleytikada ama orodada bal aynu maanta jaleecno kubadda cagta iyo xaal halkuu marayo iyo wadamadii isku soo hadhay semi finalka.
Haddaba ciyaarihii oo gabo-gabo ku jira ayaa waxaa Semi finalka iskugu soo hadhay afarta waddan ee kala ah Brazil,South Korea,Mexico iyo Japan,haddaba iyada oo maanta lawda ciyaarey tii ugu horeysey waxay dhex martey Mexico iyo Japan waxaana 3-1 loogu awood sheegtey Japan oo taaqadda ka baxdey.
Akhyaartay aynu soo qaadano ciyaartii xiisaha badneyd oo dhexmartey Brazil iyo South Korea oo runtii ahayd ciyaar aad u xiisa badan kana tirsaneyd Semi finalka.
Ciyaartan oo la wada sugayey ayaa qeybtii hore ee ciyaarta waxaa aad looga fiicnaa Brazil xag farsamo iyo weerer aan kala joogsi lahayn,laakiin markii ay S-Korea ka faa’iideysanweydey fursadihii qaaliga ahaa ayaa Brazil uu suurta gashey daqiiqaddii 38-aad goolkii ugu horeeyey waxaana u saxeexay (ROMULO).
Qeybtii dambe markii la iskugu soo noqdey ayaa Brazil la soo baxdey shaxdii lagu yaqaaney oo la waayey S-Korea meel jaan iyo cidhib dhigtey markii uu gool xalad leh ka dhaliyey daqiiqadii 57-aad (DAMIAO) isla isaga ayaa kii seddexaadna ee niyadjabka u raaciyey daqiiqaddii 64-aad,waxaana final u soo baxay Mexico iyo Brazil ee aynu aragno wixii ka soo baxa.
W/D Jaahuur
qurbejoog