|

Borama:Ciidamada Booliska Oo Ugaadhsanaya Dhallinyaro Lagu Tuhmay Nashuushadaynta Maalinta 18-ka May iyo Tiro Xabsiga la Dhigay

Borama:May,16,2014 (SDN/QJ)-Ciidamada Booliska Somaliland ee Gobolka Awdal ayaa ku Daba jira Kooxo Dhallinyaro ah oo Halkaas ka wada Faf-qalalo ka dhan ah Xuska 18-kay oo dhammaanba reer Somaliland Xusnkeeda si weyn ugu diyaar garoobeen.

borSida uu ku soo warramayo Wariyaha  Qurbejoog.com ee Gobolka Awdal, waxa Halkaas Dhaqdhaqaaqyo warsoodi ah oo Kooxo dhalllinyaro ah oo aan si fiican loo aqoonsani ay ka wadaan hagar-daamooyin ka dhan ah maalinta qaranimada Somaliland.

Kooxahan dhallinyarada ah oo hab qarsoodi ah isticaamalaya ayaa la sheegayaa inay waraaqo ka dhan ah madaxbannaanida Somaliland ku daadinayaan Waddooyinka, isla-markaana ay Shacabka kula dhex jiraan Tafaaful.

Waxa ay sheegayaan wararka aanu haynaa in ciidanka Boolisku ay ku daba jiraan dhallinyadaas, kuwaas oo intooda badan la sheegayo in haatan lagu wado in gacanta lagu soo dhigo.

Ciidanka Booliska ayaa la sheegay inay ilaa iyo shalay gacanta ku dhigeen ugu yaraan dhawr iyo Soddon ka mid ah Dhallintan abaabulan oo looga shakisan yahay inay wadaan mashaariic dibadda laga wado, waxana la geeyey Jeelasha iyo Goobaha lagu xidho  dadka Dambiilayaasha ah.

Dhallinyaradan ayaa la sheegayaa inay dabada ka wadaan kooxo ku ugaadhsada Mabda’a Awdal State oo muddooyinkii dambe sii shiiqayey, maadaama madaxdii  ugu sarraysay ay xukuumadda Siilaanyo Heshiis rasmi ah la gashay.

Wali waxa socda Ugaadhsiga iyo Baacsiga ay ciidanka Boolisku ku hayaan Koohan ka soo horjeedda Maalintan Somaliland Qiimaha ku leh, waxana Heegan Buuxa la geliyey Ciidamo  tiro badan oo Gobolkaasi ku sugan, kuwaas oo loogu talo galay inay ka qayb qaataan Xuska Maalintaas ee Gobolkaas ka dhici doonta.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contat@somalidiasporanews.com

Comments are closed