Boqortooyada Sucuudiga Oo Wariye Wax Ka Qoray Ciqaab Uga Dhigtay Inay Somalia U Mustaafuriso
Riyadh:13-Jan-2014(SDN)-Boqortooyada Caynaanka u Haysa Waddanka Sacuudiga oo caan ku ah cabudhinta Saxaafadda iyo Xorriyadda Hadalka ayaa ku kacday Arrin ka Yaabisay Dadka Somalida ah iyo dunida kaleba.
Tallaabada ay dawladda Sucuudigu qaadday, ayaa noqotay mid waddankeeda kaga mustaafurisay wariye sucuudiyaan ah oo wax ka qoray Boqortoyada, iyadoo ninkaasi loo mustaafuriyey waddanka Somalia.
Cumar Cusmaan ayaa maalintii Jimcihii laga soo dajiyay garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo la socday dayuurado siday Soomaali Sacuudiga laga soo tarxiilay oo mudooyinkanba si is daba joog ah ugu soo qulqulayey caasimada.
Qoyska wariyahan Sacuudiga u dhashay ee Soomaaliya loo soo tarxiilay ayaa iyana sheegay inay hayaan xog ku saabsan in wiilkooda lagu daray dayuurad Soomaaliya u soo qaaday dad laga soo tarxiilay wadankooda.
Wargeyska Al-Waa’em oo uu wariyahaan Sacuudiga u dhashay tifaftire ka ahaa ayaa ku waramay inuu taleefoon kula soo hadlay Cumar isagoo Muqdisho jooga uuna u sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda uu ku sugan yahay.
“Luuqada Soomaaliga ma aqaan mana kala aqaan Soomaaliya aniga waxaan ahay muwaadin Sacuudiyaan ah oo bariga Sacuudiga ku dhashay maxaa halkan la ii keenay maxaan galabsaday” ayuu yidhi Cumar Cusmaan u sheegay wargeyska uu tifaftiraha ka ahaa.
Wariyahan oo ay iska dhaleen Aabe Sacuudiyaan ah iyo hooyo Soomaali ah ayey wararku sheegayaan inuu muddo dhowr bilood ah ku xidhnaa xabsi ku yaala Sacuudiga, waxaana intaan la soo masaafurin laga qaaday dhalashada iyo baasaboorka dalkaas.
Waraaqaha safarka ee Soomaaliya loogu soo tarxiilay ayaa looga qaaday safaaradda Soomaaliya ee magaalada Jeddah waxaana arrintaasi ka dambeysay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga sida uu qoray Wargeyska Al-Waa-em.
Cumar Cusmaan Bin Yuusuf wuxuu sidoo kale in muddo ah ka shaqeynayay arrimaha agoonta waxayna saxaafadda Sacuudigu ku tilmaantay nin caan ka ah gudaha wadankaasi oo aad u firfircoon, iyadoo Kumanaan Sacuudiyaan ah ayaa barta Twitterka ka fureen ashtako ay ugu gargaarayaan Cumar Cusmaan.
Haatan lama oga goobta uu Cumar cusmaan muqdihso kaga sugan yahay, waxana jira warwar ay ka qabaan Qoyskiisu inuu u gacan galo kooxaha dagaalada ka wada Somalia oo ajaanibka si weyn u beegsada
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com