Boqor Cismaan Buur-madow oo Ka Hadlay Shirka Beesha Sacad Muuse iyo Kala Saaridda Guddoomiye Muuse Iyo Wasiir Samaale
Hargeysa:21-Aug-2013-(SDN)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa shirka Beesha Sacad Muuse uga socda Deegaanka Agabar oo Muddooyinkii dambe Hadal-hayntiisu bulshada dhexdeeda aad ugu badnayd.
Boqorka oo maalintii shalay u warramayey qaar ka mid warbaahinta dalka, ayaa ugu horrayn kula taliyay Reerka shiraya inay soo saaraan wax Somaliland iyo reerkaba dani ugu jirto, “Annaba waa shiri jirnay oo shir Somaliland u dan ah ayaanu soo saari jirnay oo wax Somaliland u dan ah ayaanu soo saari jirney, wax Beesha dan u ahna waanu soo saari jirney, shirkanina kama duwana kuwaas” ayuu yidhi Boqor Buur-madow.
Sidoo kale waxa uu Boqorku ka hadlay Tartanka iyo Xafiiltanka siyaasadeed ee u dhexeeya Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hirdankoodu saamayn xooggan ku yeeshay shirka Beesha, isagoo Beeshana kula taliyey inaanay wakhti iskaga luminin kala saaridda labadaas shakhsi, waxana uu yidhi, “Qoodhi xero kuma heshiiso ayaa la yidhi nin walibana damac siyaasadeed wuu yeelan karaa, laakiin arrinkaasi (kala saaridda muuse iyo Samaale)mid shirka quseeya ma aha, aniguna waxan qabaa Reerku haddii uu arrinkaas ka shirayo inuu khilaaf keeni doono burburna abuuri doono, waxana aan qabaa inuu shirku shir dhaqan noqdaa.”
Waxa kale oo uu Boqorku Labada nin ee Beeshu ku mashquulsan tahay taageeradooda iyo is riix-riixooda u soo jeediyey inay ku kala baxaan meesha loogu talo galay oo ah xisbiga dhexdiisa, islamarkaana madasha shirka kala fogaadaan khilaafkooda iyo tartankooda, waxana uu yidhi,
“Waxa kale oo aan qabaa iyagu labadan nin xisbi bay ka tirsan yihiin, mid walibana xaq buu u leeyahay inuu tartamo waana inay Golaha Dhexe ee Kulmiye ku soo kala baxaan oo aanay qaska reerk soo dhexgelin iyo khilaafka ayaan kula talinayaa.”
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ah Oday dhaqameed caan ka ah Somaliland, islamarkaana ay in badan dhinaca siyaasadda isku hayeen madaxweyne Siilaanyo, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey noqday nin ka tanaasulay hadalladii xajiinta lahaa ee uu ku weerari jirey Xukuumadda Kulmiye, waxana uu noqonayaa shaksigii ugu horreyey ee ka tirsan madax-dhaqameedka Somaliland ee si toos ah uga hadla Shirka Beesha Sacad muuse iyo khilaaf shirkooda ragaadiyey ee u dhexeeya Guddoomiye Muuse iyo wasiir Samaale.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com