|

Boqor Buurmadoow oo gaaray Sanaag iyo jabhad uu halkaa uga dhawaaqayo

Ceerigaabo Feb 10, 2023 (QJ) – Wararka naga soo gaaraya degaanada bariga Somaliland ayaa inoo xaqiijiyay in Boqor Buurmadoow iyo ganacsato reer bari ah ay ciidan ku urursadeen degaanadooda.

Waraku waxa ay intaa ku darayaan in Boqor Buurmadoow iyo Ganacsade Barkhad Asli meydi ay halkaa ku ururiyeen ciidan xoogan oo lagu mucaaridaayo xukuumada Muuse Biixi.

Xurgufta beesha bariga Somaliland ee boqortooyada Buurmadoow ayaa la noo sheegay in ay caradoodii gaartay halkii u sareysay ka dib kolkii tacadiyadii Beeshaa uu Muuse kula kacayay shantii sano ee ina dhaaftay ay gaartay halkii ugu sareysay intii ka danbeysay dagaalka Laascaanood.

Beesha Buurmadoow ayaa waxa dagaalka uga dhintay tirada ugu badan ee dagaalka Laascaanood, halka beesha Madaxweynaha oo ciidanka qaranka ugu badana aan ilaa haatan la heyn cid uga dhimatay ama uga dhaawacantay dagaalka.

Jabhadan Boqorka ayaa la aaminsan yahay in ay soo dejejineyso soo afmeerida xukuumada mudo dheeraadka ku joogta talada dalka.

Jabhada Boqorka ayaa waxa maalinba maalinta ka danbeysa ku biiraya saraakiil ciidan iyo askar diiday amarada guracan ee Gen. Nuux Taani oo gadoodsan.

Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu arinkan aad u saameeyay ayaa ku hadaaqaya ma iminkey qolaadisana jabhad igu sameysatay.

Muuse oo aaney beryahan isku saansaan wanaagsaneeyn Maxamed Kaahin ayaan ilaa haatan heyn cid kale arinkan ka dejisa.

Dhawaan ayuunbey aheyd kolkii beesha Boqortooyadu ay degaanadooda ka taageen calanka Soomaaliya.

Comments are closed