|

Boqor Buur Madow oo la Shaqaynta Xukuumada u qalab qaatay,Dhinacna iska dhigay Mawqifkiisii Jir Jiroole

Ceerigaabo 20.July (SDN) Boqor Cismaan Aw Maxamud Buur Madow oo ka mid ahaa Madax dhaqameedka ay Xukuumada Siilaanyo Cadawtinimada Xoogani ka dhaxaysay isla markaana Xukun Maxkamadeed ku dhacay kadib markii lagu soo Eedeeyay inuu Aflagaado ka dhan ah Madaxweyne Siilaanyo uu Warbaahinta Siiyay ayaa iminka u Muuqda Mid ka Weecday dariiqii hore.

Boqor Cismaan Buur Madow oo Mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa dalka ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo ay isku saamaxeen kuna balameen inuu Xukuumadiisa kala shaqeeyo arrimaha dhinaca dhaqanka iyo Nabadgalyada.

Boqor Buur Madow oo ku Sugan Xarunta Gobolka Sanaag ayaa in Mudo ahba ku hawlanaa hawlo nabadayn iyo isu soo dhawaynta Xukuumada iyo Beesha uu ka soo jeedo waxaana wararku Sheegayaan inuu Buur Madow uu kaalin weyn ka ciyaaray soo qabashada gacan ku dhiigle dil ka gaystay deegaanka Gobolka Sanaag isagoo Maamulka dawlada u soo gacan geliyay Gacan ku dhiiglahaas.

Geesta kale Boqor Cismaan Aw Maxamud Buur Madow ayaa la sheegay inuu ka Odayeeyay Maleeshiyaad ka Tirsan Khaatumo oo isu soo dhiibay Xukuumada isla markaana lagu wado in sabtida Maanta loo sameeyo Munaasibad lagu soo dhawaynayo taas oo ay ka qayb galkeeda u tageen Gobolkaas Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan isla markaana ay Xubno ka Yihiin Wasiirada Warfaafinta, Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse,Biyaha Mudane Xuseen Maxamed Cabdille,Wasiirul Dawlaha Nabadaynta ee Gobolada Bari Mudane Cali Xasan Maxamud Cali Sandule  ,Jananka Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale  .

Si kastaba ha ahaatee Boqorka ayaan Warbaahinta u Sheegin inuu ka Tanaasulay Mawqifkiisii Mucaaridnimo ee uu Xukuumada talada haysa kala soo Hor jeeday.

Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed