Boqolaal Tahriibayaal ay Somali ku jiraan oo lagu xiray Libiya
Tripoli May 19,2015(SDN/QJ)-Ciiddanka Ammaanka ee Dowladda Libya ee aan Aqoonsiga Caalamiga haysanin ayaa sheegay inay bilaabeen Hawlgal ay ku raafayaan Tahriibayaasha shisheeyaha ee ku sugan magaalladda Tripoli.
Madaxa Xafiiska Warfaafinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda aan Ictiraafka haysanin ee Libya, Saciid Mohamed C/salaam Al-qorara ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP inay gacanta ku soo dhigeen ku-dhawaad afar boqol oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo sugayey inay doonyo ka raacaan Xeebta magaalladda Tripoli.
Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay inay Tahriibayaasha soo qabteen xilli ay u diyaar-garoobeen inay doonyo ka raacaan Xeebta Deegaanka Tajuura ee dhinaca Bari kaga toosan magaalladda Tripoli.
Dadka lagu qabtay Hawlgalkaasi ayaa waxay u kala dhasheen Somalia iyo Ethiopia, waxaana ku jiray haween xaamilo ah.
Sarkaalka ma sheegin Tallaabadda ay ka qaadi doonaan Tahriibayaasha ay qabteen, mana kala cadda in Tahriibayaasha dib loogu soo celin doonin dalalka ay u kala dhasheen.
Dhinaca kale, Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee magaalladda Tripoli ayaa isagana sheegay inay hawlgalka bilaabeen, kadib, markii ay soo ururiyeen macluumaad dhinaca Sirdoonka oo lagu soo sahmiyey goobaha ay ku badan yihiin Tahriibayaasha iyo Deegaannadda ay ka raacaan Doonyaha ay ugu tahriibayaan Xeebaha dalalka Europe.
Sarkaalka waxa kaloo uu tilmaamay inay ku raad joogaan Kooxaha Mukhalasiinta ee dadka u tahriibiya Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo loo arko Dhagar-qabayaal ka mas’uul ah Kumanaanka Tahriibayaal ee ku le’anayo Badda Mediterranean-ka.
Mid ka mid ah Tahriibayaasha Soomaalida ee lagu qabtay Tripoli ayaa sheegay inuu bixiyey kharaj dhan 1,400 Dollar, si uu u soo gaaro magaalladda Tripoli.
Tahriibahaasi oo lagu magacaabo Abdullahi Ibrahim Adan ayaa u sheegay webmester somalidiasporanews.com inuu muddo labo bilood ku sugnaa Tripoli, isla markaana uu Mukhalasiinta siiyey 1,400 Dollar, si uu u raaco doonyaha dadka u tahriibiya Xeebaha Talyaaniga oo in ka badan 300 KM fogaan u jirta Xeebaha dalka Libya.
SDN/QJ-Tripoli