Boqol iyo Konton hablood oo ka Tirsan Ciidanka Booliska oo Tababar loogu soo Gabo gabeeyay Dugsiga Lixle ee Mandheera
Hargaysa 04.March (SDN) Dufcadii Lix iyo Labaatanaad ee Ka Tirsan Ciidamada Booliska ayaa Maanta Tababar u socday Mudo lix bilood ah loogu soo gabo gabeeyay Dugsiga Tababarka Lixle ee Degmada Mandheera,Taas oo ay ka qayb galeen Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada,iyo Talisyada Ciidamada Booliska iyo Asluubta.
Dufcadan oo ka koobnayd boqol iyo Konton hablood waxaa Xidhitaankoodii ka qayb galay Wasiirada Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur,Cadaalada Mudane Xuseen Axmed Caydiid,Labada Taliye ee Ciidamada Booliska iyo Asluubta Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan, iyo Maxamed Xuseen Xiirane,Madaxda Gobolka Saaxil,Saraakiil ka tirsan Hay’ada Undp iyo Marti Sharaf kale.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane ayaa Sheegay in Ciidankani uu u rajaynayo inay wax badan ka taraan baahida Ciidanka isagoo intaas ku daray in wixii hada ka danbeeyana ay Xooga Saari doonaan Sidii Ciidanka Asluubta loogu soo dari lahaa tiro badan oo hablo ah.
Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan oo Madashaasi ka hadlay ayaa Tilmaamay aqoonta ay barteen Ciidamadan tababarka loo soo Xidhay oo dhamaystay sida uu Sheegay dhamaanba qawaaniinta Saldhiga u ah Hawlaha Ciidamada Sida Distoorka Qaranka,Shuruucda ka farcama ee Xidhiidhka la leh Ciidanka Booliska,iyo Weliba Xidhiidhka ka Dhexeeya Bulshada iyo Booliska .
Taliye Fadal waxa kale oo uu Xusay inay dugsigan ku jiraan Hogaanka Ciidanka Birmadka isagoo intaas ku daray inay Todobaadkan tababar u furi doonaan Taliyayaasha Saldhigyada booliska ee Hargaysa,Gebilay iyo Hawd kuwaas oo qaadan doona ayuu yidhi duruus la xidhiidha Qaabka ay u Gutaan Waajibaadka ay Ummada u hayaan.
Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa dhiniciisa soo dhaweeyay in Tiro badan oo hablo ah ay ku soo biiraan Ciidamada Booliska kuwaas oo uu Sheegay inay dhiig Cusub gelinayaan Hawlaha Ciiddanka boolisku u Xilsaaran yahay.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo gaba gabadii Madashaasi hadal ka jeediyay ayaa Guul ku tilmaamay Isbedelka weyn ee Ka muuqda Ciidamada Booliska,Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu intaas ku daray in tababaro kale ay u bilaabi doonaan Ciidamada booliska .
Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu hadal dardaaran iyo hoga tusaalayn ah u soo jeediyay Ciidanka Tababarka loo soo xidhay oo uu ka dalbaday in Kartida ka Muuqata ay ku dabaqaan hawlaha qaran ee ay bilaabi doonaan .
Waa Markii u Horaysay ee Dufcad Haween Boolis ahi ay ka soo baxaan Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Lixle ee Degmada Mandheera.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail