|

Boorama: Xaflad uu Kulmiye Kula Midoobayo Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo Maanta loo Balansan yahay,Maxaase ka Jira in Prof Samatar loo Magacaabi doono Xilka Wasiirka Boosaha?

Boorama 14,June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Shalay Gaadhay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Qasdiga Socdaalkiisu ku qotomo soo dhawayn uu Xisbul Xaakimka Kulmiye u samayn doono Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo Cadeeyay inuu ku Biirayo Xisbiga Kulmiye.

Ku biirista Prof Samatar ee KulmiyeQabanqaabada Xafladan oo Maalmihii la soo dhaafay si Mug leh looga shaqaynayay Maadaama Xisbiga Kulmiye isu arko mid hantay Dheeman Siyaasadeed oo Tartan loogu jiray Kasbashadiisa Isla markaana Labada Xisbi Mucaarid ka hantay Siyaasi Saaxada Siyaasada Wax weyn ka bedeli kara ayaa ah Sababaha loo Weyneeyay Xafladan.

Inkasta oo Maanta la eegayo Waxa uu Prof kaga Jawaabo Su’aalo badan oo ka dhashay Markii la ogaaday inuu Xisbiga Kulmiye ku biirayo ayaa Warar hoose oo Soo baxayaa Waxay sheegayaan Prof Axmed Ismaaciil Samatar uu ka mid noqon doono Golaha Wasiirada ee Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo dhawr Bilood uga hadhsan yihiin Mudo Xileedkiisii,Tibaaxahani Waxay Sheegayaan in Prof Samatar loo Magacaabi doono Xilka Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta isagoo Buuxin doona Jagadii laga qaaday Wasiirkii Hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo ay ka soo wada jeedaan Gobolka Awdal.

Ma cada in Prof Samatar uu aqbalay ka mid ahaanshaha Xukuumada Siilaanyo iyo In kale Maadaama uu dhawr jeer oo hore Sheegay in Xisbiga Kulmiye aanu ka soo kabanayn hannaankii uu u dhacay Shirkiisii Golaha dhexe ee lagu doortay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee doorashooyinka inagu soo fool leh Isla markaana aanu Gudihiisa ka dhicin Tartan Xalaal ah Taasina keliftay inuu u kala jabo laba garab.

Hasa yeeshee waxaa loo badinayaa maadaama uu Prof Samatar Is Xulufaysi cusub uu la galay Xisbiga Kulmiye inuu u  hogaansami doono Barnaamijka Xisbigaas ee Xukuumadu ka dhalatay,Si kastaba ha ahaatee Waxaynu eegi doonaa Jawaabaha Prof Samatar ee Mawduucan Cusub ee uu qaatay.

Comments are closed