|

Boorama oo lagu qabtay Shir lagu falanqaynayo Wax ka qabashada iyo Horumarka Madaarka Magaaladaasi

Boorama 18.Aug 2013 (SDN)- Kullan balaadhan oo lagaga hadlayay  wax ka qabashada  iyo horumarinta Madaarka  Magaalada Boorame ayaa maanta lagu qabtay xarunta Madaarkaas.

Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay maayarka magaaalada Boorame Md.Saleebaan Xasan Xaddi ayaa waxa ka soo qaybgalay xubno ka tirsan Qurbo jooga gobolka awdal, culimaau,diin salaadiin iyo waxgarad kale.

Qaadhaan lacageed oo dhan afar kun oo Doolar ayaa halkaa lagu gudoonsiiyey Mayor-ka magaalada Boorame, dhaqaalahaas oo ah mid ay qurbojoogga Gobolkaasi kaga qayb qaadanayaan horumarinta Madaarkaasi.

Md saleebaan xasan xaddi Mayorka Magaalada Boorame oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in dib u hagaajinta madaarka ay iska kaashanayaan wasaaradda duulista iyo hawada, dawlada hoose iyo shacabka gobolka Awdal ee guydaha iyo dibadaba.

Ku xigeenka badhasaabka Gobolka Awdal Md cabdi Nuur Sugaal oo isna kulkankaasi ka hadlaya ayaa sheegay in gobol ahaan ay ka qayb qaadanayaan hawshan baaxadda leh ee dib u hagaajinta madaaraka magaalada Boorame iyadoo gebagebadii kulankaana la isla qaatay in si degdeg ah loo gudo galo waxka qabashada madaarkasi.

Sida la ogyahay hawsha dib u hagaajinta madaarka Booramewaxay ku soo beegantay maalin ka dib markii maalintii shalay ee Sabtida uu Madaxweynaha Somaliland dib u furay madaarka caasimadda Somaliland ee Hargaysa kaasoo dib u casriyayan iyo balaadhinba lagu sameeyey.

Boorama SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed