|

Boorama: Loolankii Maayarka iyo kuxigeenkiisa iyo cidda ay golaha Deegaanka degmadaasi u doorteen hoggaankooda

Boorama Dec 19.2012 (SDN)- Golaha Deegaanka ee cusub ee magaalada Boorame oo maanta yeeshay fadhigoodii ugu horeeyey ee rasmi ah, ayaa waxay cod aqlabiyad ah ku doorteen Mayorka Cusub ee ay magaaladaasi yeelan doonto Mr. Saleebaan Xasan Xaddi iyo ku xigeenkiisa Mr. Maxamed Maxamuud Faarax (Dheereeye), waxaana kulankaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo Maayorkii hore ee Boorame Cabdiraxmaan Shide Bille.

Fadhiga maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen guud ahaan 21-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha deegaanka ee Boorame ayaa waxay xildhibaanadu cod uga qaadeen doorashada mayorka iyo ku xigeenkiisa, waxaana jagada Mayorka ku tartamay labo musharax oo kala ahaa Md saleebaan xasan xaddi iyo Mr Cabdi Cismaan Dhegoweyne.

Shan iyo toban mudane oo ka mid ah golaha deegaanka ayaa doortay Saleebaan Xasan Xaddi, halka shan mudane-na ay codkooda siiyeen Cabdi  Cismaan Dhegoweyne, gudoomiyahii fadhigaasina ma codayn sidaana waxa jagada maayorka Boorame ku soo baxay Xildhibaan Saleebaan Xasan Xaddi.

Jagada Ku xigeenka Maayor-ka oo uu isu soo sharaxay hal xildhibaan oo keliya oo lagu magacaabo Maxamed maxamuud Faarax (Dheereeye) ayaa waxaa ogolaaday sagaal iyo toban mudane, waxaa ka aamusy hal xildhibaan, gudoomiyahuna ma codayn. sidaasna waxaa jagadii ku xigeenka maayor-ka Boorame ugu guulaystay Mr. Maxamed maxamuud Faarax (Dheereeye).

Kulankaasi oo musharixii lagaga adkaaday kursiga maayorka Boorame uu si weyn ugu hambalyeeyey mayor-ka Cusub ayaa waxaa kaloo ka qayb galay wasiirada wasaaradaha Shaqada iyo arimaha Bulshada Md maxamed Axmed Barre (Garaad) iyo Md Cabdirisaaq Cali Cismaan. halka sidoo kalena ay goobjoog ka ahayeen dadweyne faro badan oo magaaladaasi degan.

Dhinaca kale, golaha deegaanka degmada Oodweyne ayaa maanta doortay Maayarka iyo ku Xigeenka Golaha deegaaanka ee degmadaas.

 

Qurbejoog.com, Boorama

Comments are closed