|

Booqashadii Burco iyo Bandhiggii Waddaniyadda (Daljirka) W/Q Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Amin barqo dheer ah, welina aan maalin-badh la gaadhin oo noqonaysa dharaartii Axadda (20/Jen/2012) ayaan baabuur ka raacay Hargeysa si aan uga qaybgalo kulan-madaleed wacyigelin ah oo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi wacyiga iyo dareenka waddaniyaeed ee bulshadeenna oo lagu qabanayay magaalo-madaxda Togdheer… Jidku wuxuu ahaa mid suubban waxaana darawal noo ahaa Maxamed Ibraahin Kayse oo waayo-aragnimo u leh ku baqoolista laamida dheere ee isku xidha gobollada dalka. Xilliga oo Jiilaal ah awgii dhirtu caleen iyo cagaar malahayn, oogadoodana waxa rasaysnaa habaas iyo boodh.. Marka laga reebo geedaha ku yaalla Dawga Sheekh oo aanu midabkoodu doorsamin

Ka gadaal markaanu hadhimo iyo tukasho ugu hakannay Lafaruug iyo Dheenta ayaanu gabal-dhaca kahor gaadhnay Burco … Judhiiba qol waxa aan ka degay Daarasalaam Hotel oo ku yaalla Xaafadda Kiiniya halkaas oo aan ku bariistay..Jaallayaal door ah isuguna jilayaal, hal-abuurro, muusiishanno iyo saxaafad oo ay ka mid yihiin Axmed C/Laahi Maxamuud (Axda), C/Raxmaan Ubaxle, Cali Dhanaaniye, Ciise Jawaan, Sooraan, Axme-Dabagoos, Cali-Gari, Ganay, Deeq Geeddi, Khadar Raamboo IKK ayaan baradaas igu qaabilay..

Shalay arooryadii ayaan ka qaybgalay munaasibaddii ahayd dulucda socdaalkayga oo lagu qabtay Jaamacadda Burco, aragtideeda iyo abaabulkeedana uu lahaa Abwaan Axmed C/Laahi Maxamuud (Axda), mid la mid ahna hore loogu agaasimay Hargeysa.. Waxa ka soo qaybgalay Badhasaab ku-xigeenka Togdheer, Salaaddiin, Cuqaal, Abwaanno iyo qaybaha kale ee bulshada kuwaas oo dhammaantood si mug leh u bogaadiyay madasha iyo ujeeddada loo aloosay.. Gunaanadkiina waxa bandhig-faneed nuxurkiisu yahay waddaniyadda ku soo xidhay kooxda Walaalaha Burco oo ay hormood u ahaayeen Cumar Cawdhiye, Jawaan iyo Sooraan… Qudhaydu kama qadin hadalka ee reer Burco ayaan tarraxay… Golahana waxa aan ka jeediyay kelmad kooban oo ku saabsan abbaarta uunku isugu soo ururay… Waxa ay ahayd shir xuskeeda iyo xiisaheeda leh oo ay la dhaceen intii ayaanku ku simay joogisteeda ama kala socday warbaahinta.

Kor u qaadidda waddaniyaddu waa hindise loo baahan yahay inay taageeraan idil ummadda arligu, gaar ahaanna waxa uu xilgaar ahi ka saaran yahay waxgaradka iyo hoggaanka shacabka sida xukuumadda, aqoonyahannada, hal-abuurka, ganacsatada iyo cid kasta oo ka geysan karta taakulo si aanu u noqon fal bil iyo laba jira bartaana lagu dhaafo…

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

Comments are closed