|

Booqashada Obama Ee Kenya Oo Walaac ku Abuurtay Amniga Muwaadiniinta Maraykanka Ee Halkaas ku Sugan Iyo Digniin Lasoo Saaray

Washington:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda wadanka maraykanka, ayaa muujisay walaaca ay ka qabto in booqashada madaxweynahooda ee dalka Kenya ay sababto in muwaadiniinteeda Ku Sugan Kenya ay badhtilmaameedsadaan Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Dagaalka wadaa, waxana ay uga digtay inay feejignaan galaan.

baraxWar saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in khatar ay soo wajahi karto muwaadiniinta Mareykanka in weeraro ugaga yimaadaan Xarakada Al-Shabaab, inta lagu guda jiro booqashada Obama ee Kenya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Madaxweyne Obama uu 24-ka bishan July uu booqasho ku tagi doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu ka furi doono shir ku saabsan Ganacsiga.

Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore u digay muwaadiniintiisa inay ku safraan Kenya, sababo ku aadan in la weeraro

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed